“INTA DHAWRTA SHARAFTEE KA DHIIDHIDA XUMAANTAA KUGU FILAN DHULKAYGOW.” Faallo-Eng Hussein Deyr.

Ereyadani waxay ku jireen hees aad u qiima badan oo uu magaceedu yahay CALANKAAN KU DHAATOW. Waa ereyo luxdan oo ladifan oo xambaarsan hufnaan, dhawr-sanaan, dun-wanaag iyo dareen wadaninnimo oo qoto dheer.

Waa hees mug iyo macno weyn leh oo si gaar ah u taabatay quluubta iyo dareenka ummadda Jam. Somaliland intii daawatay. Waa hees si gaar ah u iftiimisay wixii naf, maal iyo moodba loo soo huray si loo xaqiijiyo masiirka iyo rabitaanka ummadda Somaliland iyo dhisitaanka Qaran Madax banaan, kaasoo maanta la wada hoos hadhsanayo. Waa hees Abwaanku uu si gaar ah ugu xusay waayihii adkaa ee shalay loo soo maray qarannimada, taasoo weli diiftiisii iyo daqaradiisii ay si cad uga sii muuqdaan xiska iyo oogada qaybo badan oo ka mid ah Bulshada.

Run ahaantii heestani waxay saamayn weyn ku yeelatay shucuurta iyo dareenka bulshadii goob jooga ahayd xafladii xuska 30 guurada 18-ka May ee ka dhacday Madaxtooyada oo ay ka mid ahaayeen Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenku.

Ereyada heesta CALANKAAN KU DHAATOW waxa tiriyey Abwaanka weyn ee Murtida Shilis leh: DAAHA CABDI GAAS oo isagu heestan si gaar ah ugu hibeeyey Xuska 30 Guurada Maalinta Qaranimada Jam. Somaliland ee 18-ka May.

Codka toolmoon ee halaasiga ah ee fanaanka da’da yar Farxaan Qaboojiye, laxanka iyo muusiga kooxda DAYAX BAND waxay ahaayeen kuwo ruxay madashadii billayd ee xuskii maalinta qarannimada 18-ka May.

Ugu dambayntii, heesta CALANKAAN KU DHAATOW ha loo aqoonsado Hees Qaran.

SOMALILAND HA NOOLAATO.

W/Q: Xuseen Adan Cige (Deyr)
___________

CALANKAAN KU DHAATOW,
Abwaan Daaha Cabdi Gaas:

Calankaan ku dhaatow
Dhiigii ragaygiyo
Kaan dhuuxa siistaw
Dhagartii halyaygow
Kaan nacab u soo dhacay
Ka dhacasaday cadaawow
Dhaxalkiyo magtaydaw.

Kaan May dharaartii
Dhulka xididka hoosiyo
Burco kaga dhawaaqee
Go’aan dhiiran qaatee
Soomaliland ka dhaabaw
Hayga dhicin ha dheeliyin.

Dhaqashiyo xanaanuu
Nina kuu dhex joogaa
Midna dhuuni uu cuno
Dheefbuu kuugu noolyahay
Inta dhawrta sharaftaa
Ka dhiidhida xumaantaa
Kugu filan dhulkaygaw.

Maxaan dhimasho hebeliyo
Dhaawac kugu xasuustaa
Naafo dhagaha beeshiyo
Mid xiskiisu dhimanyahay
Dhaayo geesi kugu maqan.

Kaan May dharaartii
Dhulka xididka hoosiyo
Burco kaga dhawaaqee
Go’aan dhiiran qaatee
Soomaliland ka dhaabaw
Hayga dhicin ha dheeliyin.

SOMALILAND HA NOOLAATO.

 

W/Q:-Eng Hussein Aadan Cige Deyr.