Kenya oo Bishan Bilaabaysa Duullimaadyada Tooska ah ee Nairobi iyo Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Shirkaddaha diyaaradaha ee Kenya ayaa si rasmiya u shaacisay in sideed iyo labaatanka bisha may ee sannadka ay bilaabayso duulimaadyada tooska ah ee hargeysa iyo Nairobi.

Dawladdaha Kenya iyo Somaliland ayaa dhammaadka sannadkii 2020 ku heshiiyey In Shirkadda diyaaradaha ee Kenya Airways iyo shirkadaha kale ee laga leeyahay Kenya ay billaabaan duullimaadyo toos ah oo isaga kala gooshaya Magaalooyinka Nairobi iyo Hargaysa marka la gaadho dabayaaqada bisha March ee 2021-ka.

Kenya Airways ayaa sheegtay in maalmaha Axada, Jimcaha iyo arbacad ayaa duullimaadyo toos ah ku imaanayso garoonka caalamiga ah ee Hargeysa laga bilaabo sideed iyo labaatanka bishan ay ku jirno ee May .

Ku dhawaaqista Xukuumadda Nairobi ayaa kusoo beegmaysa xilli ay mar kale joojisay duulimaadyada ka yimaada ama taga dawladda aan cagaheeda ku taagnayn ee  Soomaaliya.