Maydad iyo Dhaawacyo la keenay Cisbitaalka guud ee Magaalada Hargeysa.

Hargeisa(GNN):-Laba qof ayaa ku dhintay saddex kalena waa ay ku dhaawacmeen, kadib shil gaadhi oo goor dhaweyd ka dhacay degaanka Abaarso ee dhanka galbeed ee magaalada Hargeysa.

Maydadka iyo dhaawaca ayaa hadda la keenay cisbitaalka guud ee magaaladda Hargaysa.

Dhinaca kale Cisbitalka ayaa sidoo kale la ‘ keenay maydka nin ku dhacay ceel ku yaal deegaanka Isha Gobka ee koonfurta magaalada Hargaysa.

Sidaasi waxaa warbaahinta u  xaqiijiyay mid ka mid ah saraakiisha caafimaadka.