Saddexda Xisbi Qaran ee Somaliland Ayaa Shacabka La Wadaagay Hanbalyada Maalinta Qaran ee 30 Guurada 18may.

Hargeisa(GNN):-Saddexda xisbi qaran ee Somaliland oo kala ah xisbiga Kulmiye, Ucid, iyo Waddani Ayaa Shacabka jamhuuriyada Somaliland waxay hanbalyo farxad  ah la wadaageen maalinta qaran ee madax banaanida Qaranimada Somaliland oo ay kasoo wareeegtay Soddon sano.

Xuska Maalinta Qaran ee 18may oo Ku beegan Maalinta barrito ah ayaa ay Hogaamiyeyaasha xisbiyada Somaliland fariintan u direen Shacabka Jamhuuriyada Somaliland.