Somaliland-Goobo Dalxiiska iyo Horumarka magaalada Qayb ka noqonaya oo Berbera laga dhagax-dhigay.

Berbera(GNN):-Goobo dalxiiska iyo horumarka magaalada qayb ka noqonaya ayaa maanta Berbera laga dhagax dhigay.

Mashaariic horumarineed oo uu maal-galinayo midowga Yurub, oo muddo lix bilooda soconaya ayaa maanta laga dhagax dhigay magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.

Sida lagu baahiyay bog ay dawladda hoose ee Berbera ku leedahay barta xidhiidhka bulshada ee Facebook, mashruucani wuxuu iskugu jiraa goobo ciyaaro ah, meelo qoysaska u gaara, goobo haweenka u gaar ah iyo goobo kale oo marti galin doona adeegyo muhiim u ah dadweynaha booqanaya xeebta magaalada.

Mashruucan ayaa haddii ILLAAHEY yidhaaho ay ku bixi doonta qadar lacageed oo dhan 7.5 milyan, oo dollarka Mareykanka ah.

Berbera ayaa sannadihii danbe si xawli ah ugu talaabsatay horumar la xidhiidha kaabayaasha bulshada iyo mashaariic waaweyn oo dalka dhaqaalihiisa laf-dhabar u ah.

Exit mobile version