Wakhtiga Olalaha Doorashooyinka Somaliland oo la Koobay.

Hargeisa(GNN):- kulan ay yeeshaan Hoggaamiyayaasha Saddexda Xisbi qaran ee Somaliland ayaa lagu heshiiyey in xisbi waliba la siiyo laba maalimood oo kusoo bandhigo olalahiisa doorasho

“Waxaynnu ku heshiinnay in Ololuhu noqdo Lix maalmood oo uu xisbi waliba laba maalmood ololaha gelayo, weliba waxannu go’aaminnay oo xisbiyadu Komishanka ka codsanayaan xisbi waliba maalin buu goobta fagaaraha Beerta xorriyadda tegayaa, gobolladana goobta qaranka ka dhexaysa ee goobta weyn ah tegayaa, Bannaanbax guudna maalin buu leeyahay, maalinta labaadna wuxuu ku ololaynayaa degmooyinka oo ma imanayo goobta fagaaraha weyn, innagoo nabadgelyada eegayna, innagoo kharashaadka eegayna culayska eegayna, Komishankana siinayna inay hawlahooda u gacan furnaadaan oo aanay ku Arbushmin hawlo kale.” ayaa lagu yidhi qoraal kasoo baxay kulan dhexmaray Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta Xisbiyada