Xukuumadda Somaliland oo 13 Gaadhi kala wareegtay UNDP.

Hargeisa(GNN):-Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha gudaha Somaliland ayaa gaadiid kala wareegay Hay’adda UNDP xafiiskeeda Somaliland, Munaasibad lagu xarunta Wasaaradda Arimaha Gudaha ee Magaalada Hargeysa.

Gaadiidkan oo tiradoodu dhan tahay 13 Gaadhi xaajiyaddo (Toyota Hilux) ah, ayaa waxa loogu talogalay Ciidanka Booliska, bahda Caddaalada iyo Wasaaradda arrimaha, waxaana Xaflada lagula kala wareegay Gawaadhidan ka qaybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Wakiilka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya iyo saraakiil ka socda Hay’adda UNDP.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo munaasibadaasi hadal ka jeediyey, ayaa uga mahad naqay Hay’adda UNDP iyo saaxiibadeeda kale ee qaadhaan-bixiyeyaasha gaadiidkan ay ku wareejiyeen, waxaanu sheegay inay wax badan ka dabooli doonaan gawaadhidani Hay’addaha dawladda ee loogu talogalay.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Siciid Axmed Jibriil iyo Marwo Samiira oo ah madaxa UNDP Xafiiskeeda Somaliland, ayaa dhankooda faahfaahin ka bixiyey howlaha gaadiidkan lagaga shaqayn doono, waxaanay sheegeen in loogu talogalay dardar gelinta arrimaha nabad-gelyada iyo kor u qaadista adeegyada sharciga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyey deeqdan gaadiidka ah, isagoo tilmaamay in lagu xoojin doono howlaha amniga Qaranka.

Wakiilka Midowga Yurub iyo madaxa Xafiiska UNSOM ee somaliland ayaa Dhankooda tilmaamay in Sii wadayaan wada-shaqaynta Somaliland, gaar ahaan Barnamjika Sharciga wada-jirka ah ay ee ka wada shaqaynayaan somaliland, Midowga yurub iyo Qaramada Midoobay.

Exit mobile version