Dardaaran Ku Socda Baarlamaanka Cusub! W/Q; Abiib Axmed Xirsi.

Marka hore Ilaahay baa mahad oo dhami u sugnaatay isagoo Si nabadgelyo ah inoogu dhameeyey labadii doorasho ee Degaanka iyo aqalka wakiilada. Marka labaad waxaan u Ducaynayaa xildhibaanada sharafta leh ee lasoo doortay in Allaha raxmaanka ahi u fududeeyo xilkaa ay ummada u Qaadeen oo ah mid run ahaantii aad u culus. Waxa bulshoweynta Soomaaliland soo maray maalmo hawl badnaa una baahnaa go,aamo adag si loo kala saaro musharixiin isku hayba, isku degaan ah isla markaana ay yartahay waxa ay ku kala duwanaan karaan, marka ay noqoto xaga aqoonta, kartida, waayo aragnimadda iyo qorshaha  wax qabad ee ay soo bandhigeen.

Waxaa intaa xigtay maalintii cod bixinta oo aanay deero-deero hirdiyin taas oo ku xardhanaan doonta taariikhda Somaliland isla markaana diwaanka u geli doonta dawlada uu Hogaaminayo Madaxweyne Biixi, waayo waxan sidan u leeyahay waa markii ugu horaysay ee aan qabanao laba doorasho oo isku sidkan, kuwaas oo hawshooda iyo dhaqaalaha ku baxayba aad u cuslaa.  Dhinaca kale waxa xusid mudan in shacbigu doorkan isbedel u codeeyey waxana marag-madoon u ah codka lagu maamuusay labada xildhibaan ee dhalinyarta ah Cabdikarim Axmed Mooge iyo Barkhad Jaamac Batuun oo taariikhdu xusi doonta qaabka ay cod-bixiyeyaasha quluubtooda u kasbadeen waana bog  cusub oo hadii lasii wado qabyaaladii lagu aasi doono. Waxa iyagana hortaala hawl culus oo ama dhab ka dhigi doonta hamiga iyo himilida shacabka ama calaacal iyo quus ku keeni doonta. Taasina waxay ku xidhan tahay sida ay uga midho dhaliyaan balanqaadkoodii.

Si kastaba ha ahaatee waxa qurux badnaan lahayd hadii sida mudane Mooge loogu cumaamaday Duqa Caasimada in Mudane Batuuna fursad la mida la siiyo oo shir gudoonka lagu daro si dadweynuhu u tijaabiyaan isbadalkii ay u codeeyeen. Arinta Barkhad waxa kale oo ay bulshada caalamka tusinaysaa bisaylka ka muuqda dadweynaha Somaliland sida ay uga dagaalameen dulmiga iyo haybsooca lagu hayo beelaha uu xildhibaanku kasoo jeedo ka dib markii codkii ugu badnaa loo hibeeyey.

Aan hore usii socono, horta marka hore waa in xildhibaannada cusubi ogaadaan  in shacbigan masaakiinta ahi geliyeen dadaal  badan  oo waqti iyo dhaqaaleba u hureen. Waxa la idiinka hiilayey walaaladiinii  idinla tartamayey oo idinka la idiin eexday.  maalmihii iyo bilihii doorashada ka horeeyey waxa ku xardhanaa boodhadhkii  aad meelwalba ka tagteen igu dooro daacadnimo, aqoon, karti, diin iyo wax qabad, waxa ka buuxay qudbadihii iyo muusnawgii olalihiina ereyo u ekaa bada ayaan macaanayn doonaa, caradaan badali doonaa iyo cirkaan idiin sharaxi doonaa.

Waaxan jecelahay inaan idin xusuusiyo Abwaankii waynaa ee Indheer-garaddka ahaa Cabdilahi Suldaan Timocade (AHUN) wixii uu ka yidhi doorashooyinkii lixdamaadkii oo oo raggii la doortay lagu hungoobay isla markaana waxay qabtaan iska daaye dadkii ay kala dileen aan isku soo celin, wuxuuna yidhi:

Manaxaanadii baan arlada meerisna u tolina

Marnaba yeydin dhicin kuwii male kusoo goostay

Miyigeena nimankii mindida meel walba u dhiibay

Kuwii muusnow iyo tolaay nagula meeraystay

Nimankii mashaqaday dhigeen reerba dhan u moostay

Suntay nagu mudeen wiilashii la is martiwaayey 

Muraadkoodu nimankuu ahaa moodhadhkiyo daarta

Mudaahanada beenta ah kuwii nagu maqaarsaaray….

Nimankii mugooduba ahaa maalin la casuumo….

Waa erayo iyo xikmad buuraha ka culus, xildhibaan maanta ayaa la taagan yahay in aad ka midho-dhaliso balanqaadkii aad u samaysay shacabka ku doortay.

Sidoo kale gabay uu lahaa abwaankii, aqoonyahankii Gaariye (AHUN) ayaa waxa isagana ku jiray tuducyo aan ka bixin xusuustayda oo ahaa:

Dadna waa hangoolkii maalin cidi dan leedahay dalmaroow la tabi jiray

Maantana deyaankiyo digta kuu baxaysaa dushayday ku dhacayaan….

Waa adiga iyo garaadkaa hadii aad islahayd kaliya salaanka ku fuul codkooda waxa xaqiiqa in Illaahay kugula xisaabtami doono xataa hadii ay iska kaa ilaawaan dadkii kursiga ku saaray.

Xilka kursigu waa ujeedo badan, waxana xaqiiq ah in rag badani u halgamayeen inuu ku shaqo tago, qaarkale inay xoolo ka dhaqdaan, kuwo kale magac ka helaan oo mudane iyo xildhibaan lagu dul maasheeyo, laakiin in badan oo  idinka mid ah ayaa laga yaabaa inay kursiga u calmadeen in dalkooda iyo dadkooda wax la taaban karo u qabtaan muddada shanta sano ah. Aduunka taariikhbaa ka hadha inta la joogayaana waa kooban tahay xildhibaan waxa hadaba ku horyaala fursad aad u qiimo  badan oo aad ku kala dooran karto in magac wanaagsani kaa hadho iyo in aad ku danaysato xilkaa lagu saaray muddada kooban.

Halyeygii Timocade waxa ku jiray gabaygaa hore tuducyadan uu kaga hadlayo fursadaha wali jira wuxuuna yidhi:

Hadii maamulkii hore dhintay oo maasuq lagu beeray

Maantaba malkaa inagu qumane yaan la gees marine

Marka aanad hamoon noloshu waa mooyi dabadeede….

Guntii iyo gabogabadii, waxa idinka dhur-sugaya shacab baahan oo aan ceelna u qodnayn cidina u maqnayn, umad u kula irdhoowday idinka dartiin oo in badan oo ka mid ahi ay salaanta la kala leexanyaan una baahan inaad isku soo celisaan oo aad dib u walaallaysaan. Waxa idin sugaya qaran ay shuruucdiisa ka jirto qabyo badani ama in badan oo ka mid ah aan wali seeskaba loo dhigin, waxa wax kabadal iyo kaabis u baahan Dastuurka Qaranka (National Constitution),  waxa idiin sugaya  inaad dejisaan qorshihii lagula dagaalami lahaa musuqmaasuqa iyo wax isdaba marinta heer kasta, waxa idiin sugaya diyaarinta shuruucdii horseedi lahayd dhisamaha maamul wannaagga qaranka (good governance) oo aad loogu baahan yahay, waxa idiin sugaya kormeerka iyo toosinta shaqada xukuumadda taas oo ah (Check and Balance) isla markaana aad kalsoonida kala noqon kartaan masuulka xilkiisa ka soo bixi waaya xataa hadii uu yahay hogaamiyaha qaranka, waxa idin sugaya inaad muunad wanaagsan u noqotaan (Good role model)  dhalinyarada beri idin badali doonta, waxa idiin sugaya inaad ka shaqaysaan qorshaha ugu haboon ee aan ku heli karno ictiraaf caalamiya.

Sidaa darteed malaha waxaa wanaagsan in xildhibaan kastaa uu qaato qalin iyo buug oo uu taxo waxa hawl hortaala, mid walbana ka jawaabo sidii uu wax uga qaban lahaa iyo cidii uu la kaashan lahaa. Tani waxay keenaysaa in xildhibaanadu dareemaan muhiimada ay leedahay wada shaqayntu (team work) si goluhu u guulaysto waxna uga qabto hawlaha hortiisa yaala. Imika tartankii dhexdiinu waa dhamaaday indinkaana isku baahan inaad wada shaqaysaan oo caqliga iyo cilmigaba isu geysaan si aad wax la taaban karo ugu celisaan guud ahaan shacbiga iyo qarankaba.

Dadweynaha waxaan leeyahay duco wayn ha la raaciyo golaha in Illaahay u fududeeyo masuuliyadda ay qaadeen isla markaana noqdaan kuwo la mahadiyo.

Allah mahad iska leh

QALINKII; Abiib Axmed Xirsi