“Dimuquraadiyadda Somaliland Waa ta ugu Casrisan Dunida” Republic World Media TV

Hargeisa(GNN):-Doorashooyinkii isku sidkanaa ee golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka ee Somaliland ka qabsoontay 31-kii bishii May ee aynu soo dhaafnay oo ku beegnayd Isniintii todobaadkii hore, ayaa qadiyadda Somaliland ku soo jeedisay indha warbaahinta caalamka kuwa ugu caansan.

Warbaahinta caalamiga ah ee wax ka qortay doorashooyiinkii dalka ka qabsoomay iyo hannaanka dimuquraadiga ah ee ay ku soo dhammaadeen ayaa iftiimiyay in Somaliland ay tahay dalka adduunka ugu dimuquraadisan, taas oo ay ku tilmaameen in ay tahay mid casri ah oo ka horumarsan dalal badan oo muddo dheer ku soo dhaqmayay hannaanka dimuquraadiyadda.
Waxaa kale oo ay is-barbar dhig ku sameeyeen dimuquraadiyadda Somaliland iyo dalalka ay deriska la tahay sida aanay uga suura geli karin dimuquraadiyadda iyo doorashooyinka ay hirgelisay. Somaliland oo aan caalamka aqoonsi ka haysanin.

Doorashadii dhacday 31-ka bishii May 2021, ayaa Midowga Yurub, Uk iyo Dawlado kale oo Afrikaan ahi u soo direen Goob-joogeyaal Caalamiya oo kormeeray habkii ay u dhacday doorashadaasi oo ay ku tartameen Musharraxiin ku dhow 900, kuwaas oo ka kala sharraxnaa Xisbiyada WADDANI, UCID iyo KULMIYE, waxayna Goob-joogeyaashu War-bixin hor-dhac ah oo ay soo saareen ku muujiyeen siday ula dhaceen habka ay doorashadu u dhacday, iyagoo ku tilmaamay inay ahayd doorasho daah-furan.

Warbaahinta Dalalka Yurub iyo Maraykanka ayaa si weyn wax uga qoray doorashada, iyagoo dhinacyo kala duwan ka eegay doorashada iyo nidaamka Dawladnimo ee Somaliland oo aan weli aqoonsi buuxa ka haysan Adduunka intiisa kale.

Warbaahinta Magaceedu yahay REPUBLICWORLD TV oo ah Telefiishan laga leeyahay dalka Hindiya oo ka mid ahaa warbaahinta wax ka qortay doorashooyinka Somaliland iyo soddon guuradii ka soo wareegtay la soo noqoshada Madaxbannaanida Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa qoraal dheer oo uu kaaga hadlay Somaliland iyo doorashooyinkeeda iyo hannaanka dawladnimo ee dalka ka hana-qaaday waxaa uu yidhi, “30 sanno ayaa u buuxsamay Somaliland oo ah dal ka xoroobay Soomaaliya, waana dimuquraadi aan weli helin aqoonsi.”

Republicworld ayaa war-bixinteeda ku tidhi “Somaliland waxay isku dayeysaa inay samayso taariikh cusub oo siyaasadeed, iyadoo markii ugu horraysay qabatay doorashada Baarlamaanka tan iyo 2005, doorashadaasi oo ay isku diwaangeliyeen in ka badan 1 Million oo qof, si ay ugu codeeyaan doorashada Goleyaasha Deegaanka iyo ta Baarlamaanka.”

“Somaliland: waa dimuqraadiyadda ugu casrisan Adduunka” ayuu qoray Republicworld.

Waxaanu intaa ku daray “Somaliland oo madax-bannaanideeda ku dhawaaqday sannadkii 1991-kii, waa dunida casriga ah ee dimuqraadiyadda, sidoo kale Somaliland waa dal nabdoon, xasilloon oo dimuqraadi ah.”

Jamhuuriyadda Somaliland waxay muujisay dedaallo aad u badan, isla markaana waxay haysataa baasaboor u gaar ah, dawlad shaqaysa, lacag, iyo ciidan. Iyada oo aanay jirin Waddan keliya oo aqoonsaday madax-banaanideeda. Haddana Somaliland waxay mar kale Isniintii, May 31, qabatay doorashooyin, taas oo dadka siyaasada indha indheeyaana ay rajeynayaan inay gobolka u keeni karto gargaar aad loogu baahnaa.”

Telefiishankani waxa uu warbixintiisa kaga waramay marxaladihii Somaliland soo martay, wuxuu sheegay in Somaliland ahayd dal uu gumaystay Ingiriisku, markaa ka dibna la midoobay Soomaaliya oo Talyaanigu gumaysan jiray, balse dhibaatooyin Dadkiisu kala kulmay Dawladdii Milletariga ahayd ee Soomaaliya ay ku khasabtay inuu Madax-banaanidiisa dib ugala soo noqdo Soomaaliya isla-markaana ku dhawaaqo Jamhuuriyadda Somaliland sannadkii 1991-kii, isla markaana ay Somaliland muddo soddon sanno ah ay ku naaloonayso Nabadgalyo buuxda, balse Soomaaliya ay la ciirciirayso Xasillooni-darro.”

Warbixintan waxa lagu sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland oo ku taala mandaqada Geeska Afrika, ay dhul ahaan dhacdo goob istaraatiiji ah oo muhiimad weyn u leh Dunida inteeda kale, kiiskeeda aqoonsi-raadintana ay Waddamo ay ka mid yihiin Iran, Turkey iyo Imaaraadku isku dayeen inay ka faa’idaystaan, si ay saamayn ugu yeeshaan.

Warbixintu waxa ay sharraxday sababaha aqoonsigu muhiim ugu yahay Somaliland, waxaanay tilmaantay in aqoonsigu yahay hab lagu qiimeeyo, laguna siiyo sharciyo gaar ah Dawladnimada, Madax-banaanida dhuleed ee dal leeyahay iyo dhaqdhaqaaqa siyaasadeed.

Dhinaca kale Telefishanka caalamiga ah ee ALJAZEERA oo warbixin ka diyaariyay doorashooyinka Somaliland, ayaa ku sifeeyay doorasho ku qabsoontay si mucjiso ku ah qaarada ay ku taallo Somaliland iyo dersiyada ku xeeran oo ay ka jiraan dawlado la aqoonsan yahay, halka Somaliland oo aan caalamku ictiraafsanayn ay noqotay dalka ugu dimuquraadisan mandaqada ay ku taallo.