WARARKA




Hanbalyo Ku Aadan Dhammaanba Caruurta Africa.W/Q:-CABDILAAHI HUSSEIN.

Ugu horayn waxaan hambalyo hawada u marinayaa guud ahaan caruurta qaarada Africa munaasibada maalinta caruurta africa awgeed oo ku beegan maanta oo taariikhdu tahay 6.16.21,markaan salaanta iyo hambalyada intaa ku dhaafo waxaan u rajaynayaa Mustaqbal qurux badan dhamaanba caruurta qaarada africa,waxay ahayd hilaadii 6.16.1998 markii u horaysay ee aan ka qayb galo bandhig faneed aad u heer sareeya oo lagu qabtay garoonka tima Cade ee magaalada hargaysa oo lagu xusayey maalintaa qaaligaa ee caruurta africa sideedaba bisha lixaad dalka somaliland waxaa ka dhacda dabaysha xagaaga oo aad u awood badan lkin wixii ka dambeeya salaada casar way istaagtaa dabayshaasi dabadeed falaadhaha cadeeda oo aad u qurux badan ayey dhinac galbeed cadeedu magaalada uga soo dirtaa waa wax aanan wligay ilaawayn waana markii iigu horaysay ee dad aad u tiro badan hortooda aan ku soo bandhigo masrixiyad,waxaan ahaa class ka sadexaad ee dugsiga hoose dhexe waxay ahayd xusuus aan marna noloshayda ka hadhin waxay ahayd maalin qurux badan waxaan ka tirsanaa kooxda qalaama rogodka ee havoyoco waxaan ka xusi karaa halkan Xoogsade abdishakur Ina obolos shumburo jigjijaan Cabdi kariim Ahmed mooge liibaan Cumar sheekh gadh wayso abwaan Ahmed aw geedi qofba door uu ku lahaaba,waayaha aduunka ayaa na kala raray oo qofba meel ku tuuray sanad walba tan iyo maalintaa marba si aan xusaba waan xusaa,waxaa jira boqolaal caruura oo maalin walba daryeel la,aan ugu dhimanaya qaarada Africa waxaa jira boqolaal Askar laga dhigo waxaa sidoo kale jira boqolaal hablood oo aan daโ€™da guurka gaadhin oo aduun lagu badasho oo lagu qasbo rag aabayaashood leeg qaar kale waxaa loo gaystaa tacadi iyo kufsi mana helaan daryeel waxaan in badan ka soo shaqeeyey barnaamijdka daryeelka caruurta(child protection issue)waxaanu wada shaqayn lahayn haayada save the children iyo wasaarada Shaqada iyo arimaha bulshada iyo unicef oo dhinaca waxaan ahaa anigu xubin ka mida bulshada rayidkaa waxaan u rajaynayaa dhamaanba caruurta qaarada Africa mustaqbal qurux badan iyo nolol dhaanta ta ay maanta ku nool yihiin QORAAGA:CABDILAAHI XUSSEN OSMAN Minneapolis USA