Muqdisho-Wasiir Khadija Oo Si Layaab Leh Ugu Dabaal degtay Hanbalyada Guusha Xildhibaan Barkhad Jaamac Batuun.

Muqdish(GNN):-Wasiir Khadija Maxamed  diiriye oo kamida golaha wasiirada dawlada federaalka somalia, islamarkaana ah wasiirka Gargaarka Soomaaliya ayaa si la yaab leh ugu dabaa degtay guusha taariikhiga ah ee xildhibaan barkhad jaamac batuun oo kamid noqonaya xubnaha golaha wakiilada somaliland, islamarkaana noqonaya xildhibaankii ugu codka badnaa ee somaliland soomara taariikhda golaha wakiilada jamhuuriyada somaliland.

Wasiir Khadiija Maxamed Diiriye ayaa shacabka somaliland ku amaantay inay ka dhabeeyeen dimuquraadiyadii islamarkaana ay tahay tani guul taariikh ah oo aan la ilaawi doonin muuqaal ay qoob ka ciyaarayso oo ay iskaga soo  duubtay hoyga ay ka degan tahay magaalada muqdisho ayey kula wadaagtay farxada iyo damaashaadka bulshada kala duwan ee somaliland sida gobanimada iyo milgaha leh ee ay codkooda usiiyeen Musharaxa golaha Wakiilada Somaliland Barkhad Jaamac Batuun.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka Wasiir Khadija.