“Reer Hargeysow hormarkaad Doneysaan Shuruudo badanba horyaal ‘ Maayir Cabdikariin.

Hargeisa(GNN):-Maayirka cusub ee Caasimada hargeisa loo doortay C,kariim Axmed Mooge ayaa khudbad dhinacyo badan taabaynaysa u diray bulshada somaliland, gaar ahaan caasimada, sidoo kale waxaa uu fariimo gaara u diray ganacsatada reer somaliland, wadayaasha gaadiidka ka dhex shaqeeya, mulkiilayaasha guryaha hargeisa.

ugu horeyn Maayir C,kariin Axmed Mooge ooo ka hadlayey Madasha uu maanta xilka kala wareegayey maayirkii hore caasimada hargeisa soltelco ayaa caasimada somaliland ee hargeisa bulshada ku nool ugu baaqay inay kala qayb qaataan sidii ay caasimada ula dhisi lahaayeen ula qurxin lahaayeen, waxaanu ugu horeynay ugu baaqay xaafadaha magaalada hargeisa in ay wajahada hore guryahooda ay nadiifiyaan islamarkaana aan la aqbali karin dhagxaanta iyo buuraha ay guryaha hordhigeen, taa bedelkeena uu qof kastaaba gurigiisa hortiisa uu ku beero hal geed oo dhir ah, waxaanu sheegay in caasimada quruxdeedu ku jirto sida qof walbaaba wadada hormarta meheradiisa ama gurigiisa uu u nadiifiyo.

dhanka kale waxaa uu wadayaasha kala duwan ee gaadiidka basaska ugu baaqay inaaney dhex dhigan karin wadooyinka caasimada marka ay dadka rakaabka ah dajinayaan taas oo sababta inta badan cidhiidhiga ka dhasha wadooyinka caasimada hargeisa, waxaanu balan qaaday inay u sameyn doonaan goobo xadidan oo basasku ay istaagi doonaan marka ay dadka dajinayaan, sidoo kalena ay u sameyn doonaan istaamo ama goobo u gaar ah oo ay dadku ka raacaan kana rakaabsadaan, khudbadan maayirka cusub ee caasimada hargeisa c,kariin axmed mooge oo aad u dheerday ayaa waxaa uu sidoo kale fariin u diray ganacsatada kala duwan ee ku noool caasimada hargeisa oo ugu baaqay inay kala shaqeeyaan sidii ay ula dhisi lahaayeen biriijyada kala duwan eee caasimada.

dhanka kale waxaa uu si weyn ula hadlay ulana dardaarmay shaqaalaha kala duwan ee dawlada hoose kuwaas oo uu sheegay inay ku xidhnaan doonto shaqo wanaagoodu sida ay ula dhaqaaqaan qorsheyaasha cusub ee ay wadaan golaha deegaanka cusub ee caasimada loo doortay.

Dhanka kale bulshada ku nool caasimada hargeisa ayaa uu aad ugu celceliyey inay bixiyaan cashuuraha kala duwan ee ku waajibay sidaas darteedna ay kula xisaabtamaan sidii ay caasimadu ula mid noqon lahayd caasimadaha horumaray.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.