Rooda Cabdi Muuse Ayaa Soo bandhigtay Sababta keentay in Doorashada lagaga adkaado Xisbiga Kulmiye.

Hargeisa(GNN):-Siyaasiyada Da’ada yar ee Rooda Cabdi muuse ayaa si waafiya u falanqeysay doorashadii dalka ka dhacday 31may 2021, waxaanay sidoo kale hanbalyo u dirtay guud ahaan shacabka Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaan Asxaabta qaranka Somaliland oo si kalsooni leh tartan dimuquraadiya u galay doorashadii isku sidkanayd ee dalka ka qabsoontay,

Waxaanay sidoo kale tilmaantay masuuliyiin xilal qaranka ka haya oo ka gaabiyey inay isgarab taagaan musharaxiintii u sharaxnaa xisbiga kulmiye, kaas oo ay soo qaaday Maareeyaha guud dekedaha somaliland oo ay sheegtay in ay ahayd inay garab istaagaan musharaxiinta ka sharaxnaa xisbul xaakimka kulmiye ee aan ku guuleysan in ay kusoo baxaan.

Siyaasiyad Marwo Rooda Cabdi Muuse Ayaa kamid ahayd xubnihii firfircoonaa ee guusha weyn kasoo hooyey gobolka Saaxil Doorashiid Madaxweynimo ee dalka ka qabsoontay 2017kii ee jagada Madaxweynenimo kusoo baxay madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.