Shirkada Caalamiga ah ee Dahabshiil Group Oo Sartii ugu dheeraa dhulka somaalida ka dhisaya Muqdisho.

Muqdisho(GNN):-Shirkada dahabshiil group oo inta badan door muuqda ku leh waxtarka dhulka soomaalida iyo sidii ay isku barbar taagi lahayd shacabka afka soomaaliga ku hadla meelkasta oo uu ku nool yahay xaaladaha lasoo darsa ayaa maanta ka bilowday dhismihii ugu dheeraa guud ahaan geeska africa, gaar ahaan dhulka soomaalidu degto kaas oo hadda laga dhisayo caasimada somalia ee muqdisho, fooqan oo ka kooban 25 dabaq ayaa dhaqaalaha ay ku bixinayso shirkada dahabshiil group dhismihiisu kor u dhaafayaa ilaa 20 milyan oo lacagta dollarka maraykanka ah.

Fooqan oo magaciisu yahay Dahab Tower ayaa noqonaya kii ugu dhaqaale badnaa ee laga dhiso guud ahaan dhulka soomaalidu degto, maalgalin noocaas ahna uu ku bixiyo muwaadin soomaali ah, waxaana sartan ka faaiidaysan doona ganacsatada kala duwan ee somaalida iyo kuwa wadamada dariska ahba.

Masuuliyiinta ugu sareeya shirkada, madax ka socotay Dawlada federaalka ee somalia, marti sharaf aad u tiro badan ayaa maanta xaflada lagu dhagax dhigayey lagu qabtay magaalada muqdisho xarunta dawlada federaalka somalia.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.

Exit mobile version