Xildhibaan Solteco oo ka Tanaasulay u Tartanka Duqa Caasimadda Hargaysa.

Hargeisa(GNN):-Maayarkii muddada xil hayntiisu dhamaatay ee Caasimadda Hargaysa C.raxmaan Maxamud Caydiid Solteco ayaa galabta shaaciyey inuu ka tanaasulay tartankii uu ugu jiray Maayarnimada Caasimadda Hargaysa.

Cabdiraxmaan Solteco ayaa sheegay in Tanaasulkiisu ka danbeeyay go’aan kaga yimid Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi isagoo u hambalyeeyay Xildhibaan C/kariin Axmed Mooge oo u sharaxan Jagada Maayarnimada Caasimadda hargaysa Waxaanu ka dalbaday Mudanayaasha golaha deegaanka Caasimadu in marka uu furmo Kalfadhigooda kowaad ay u doortaan Xilka Maayarnimada Caasimadda Hargaysa Xildhibaan C/kariin Axmed Mooge.

Maayarka Mudada xil-hayntiisu dhamaatay ee Caasimadda hargaysa kana mid ah 17-ka Xildhibaan ee gollaha cusub ee deegaanka caasimadda hargaysa C/raxmaan Maxamud Caydiid waxa uu Taageerayaashiisa ka Codsaday inay ku ixtiraamaan go’aankan uu gaadhay Waxaa kale oo uu sheegay in aanu ka baxayn golaha deegaanka Hargaysa oo uu noqonayo Odaygii golaha deegaanka Waxaa kale oo uu meesha ka saaray warar sheegaya inuu ka baxayo Xisbiga uu ka tirsan yahay ee Kulmiye waxaanu cadeeyay inuu Xisbigiisa u sii shaqaynayo.

Loolanka Maayarnimada caasimadda hargaysa ayaa hada u muuqanaysa mid aan lagula tartami doonin Xildhibaan C.kariin Axmed Mooge oo ah Mudanihii ugu codka badnaa ee ku soo baxay doorashadii isku sidkanayd ee golayaasha deegaanka iyo wakiillada isagoo helay Cod ka badan 26 kun oo cod.