Xukuumada Somaliland Ayaa Iska Difaacday Eedaha Asxaabta Mucaaridka ee Ku Aadan Inay Xukuumadu Lacag Siinayso Xildhibaanada Wakiilada usoo Baxay.

Hargeisa(GNN):-Wasiir ku xigeenka wasaarada Maaliyada Jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse ibraahim Salaf ayaa Xukuumada Somaliland ka difaacay eedaymo ay Xisbiyada mucaaridka somaliland ugu soo jeediyeen in xukuumadu lacago ku iibsanayso xildhibaanadii usoo baxay golaha wakiilada somaliland.

waxaana uu sheegay inaaney jirin xukuumada somaliland habayaraatee wax dhaqaale ama lacag ah oo ay siisay xildhibaanada soo baxay si ay u doortaan shirgudoonka golaha wakiilada somaliland ee xukuumadu wadato, wasiir ku xigeenka wasaarada maaliyada somaliand waxaa uu sidoo kale fariin u diray cid kasta oo aaminsan inay xukuumadu xildhibaano iibsato in aaney arrintaasi wax dhici kara ahayn madaxweynaha qaranka somalilandna muuse biixi cabdi aaney kasuurtoobin.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.