Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Togdheer ayaa ka qayb qaatay ololaha nadaafadeed ee laga bilaabay magaalada Burco.

Burco(GNN):-Ciidanka Qaranka Somaliland ee gobolka Togdheer ayaa ka qayb qaatay ololaha nadaafadeed ee laga bilaabay magaalada Burco.

Waxaana ciidamadan oo ku labisan dirayskooda islamarkaana sita agabka qashin gurka salaadii hore subax lagu arkayey goobihii loo cayimay qashin gurka iyagoo gudanaya waajibaadka muwaadinimo ee saaran dhinacna kagaga shaqadii amniga qaranka ay u xilsaarnaayeen arrintan oo aad u dhiiri galisay ayaa noqotay mid si weyn usoo dhaweeyeen dhammaanba qaybaha kala duwan ee bulshada somaliland kuna dhiiri galiyey in ciidamada dhigooda ah ee qaranka somaliland ay sidan oo kale uga soo qayb qaataan arrimaha horumarinta qaranka iyo magaalooyinka somaliland.