Dar Yeel La’aanta Shaqalaha Iyo Musuq Maasuqa Masuuliyiinta Wasaarada Warfaafinta Ee Xadhka Goostay…W/Q:-Nouh idiris farah dalsoor

Hargeisa(HNN):-wasaarada warfaafintu waa meelaha hablawlaha u ah qaranka jsl shaqalaaha ka hawl galaana waa shaqalaaha guta waajibka qaran ee shaqo ee ay umada u hayaan kuwaas oo aa lahayn maalmaha ay fasax iyo nasasho toona marka loo eego maalmaha fasaxyada ah ee shaqaale waynaha dawlada sida maalmaha munaasibadaha iida jimceyaasha iyo maalmaha xusaska caalamiga ah ee 18ka may iyo 26 juun, shaqaalaha wasaarada warfaafintu waxay gutaan waajibaadkooda shaqo iyaga oo aan ku qaban wax dhaqaale ah dheeriya marka laga yimaado mushaharka iyo gunada ay qaataan ee ay kala siman yihiin shaqaale waynaha dawlada, iyada oo ay jirto kharashaad loogu talo galay maalmaha dheeriga ah ee ay shaqeeyaan shaqaalaha wasaarada warfaafinta taas oo ah mid dastuuriya iyo sida uu dhigayo xeerka shaqaalaha dawladu,

Hadaba waxa nasiib daro ah in aanay haba yaraateen aanay arag shaqaalaha wasaarada warfaafintu wax guno ah ama kharash maalmeed ah oo la xidhaadha hawsha ay qabtaan maalmaha iida iyo maalmaha xusaska qaran ee 18 may iyo 26 juun, taas oo ay keento musuqmaasuqa baahsan ee ka jira wasaarada warfaafinta taas oo marar badan oo horena keentay in musuqmaasuq loo xidho qaar ka mida masuuliyinta wasaarada warfaafinta balse ilaa haatan aanay waxba iska badalin raadkaasi musuqmaasuq ee daashaday shaqaalaha wasaarada warfaafinta ee ay kula kacaan masuuliyiinta wasaaradaasi, sida aynu ka wada war qabno waxa dhawaan dalka ka dhacay doorasho isku sidkan taas oo ay dadaal dheerad ah iyo shaqo joogto ah habeen iyo maalinba ay heegan u ahaayeen shaqaalaha wasaaradaasi taas oo aanay wax taageero ah iyo dhiiri galinba ka helin masuuliyiinta wasaarada warfaafinta iyada oo ay jirto kharaash gaar ah oo loogu talo galay doorashadaasi.

waxaan intaa u dheer shaqooyinkii dheeradka ahaa ee ay ka qabteen 18kii may iyo 26kii juun ee aynu dhawaan soo dhaafnay, waxaana intaaba ka sii daran munaasibada ciidal fidriga ee aynu manta u dabaal dagayno ayaanay jirin wax haba yaaraateen xaqul iid ah oo la siiyey shaqaalaha wasaarada wasaarada warfaafinta ee heeganka iyo shaqada ku jira.
wasaarada warfaafinta ayaa ka mid ah hayedaha dawlada kuwooda ugu ugu miisaanida badan, waxaana ka mid ah kharashka barnaamijyada kharashka caafimaadka dhiirigalinta kuwaas oo aanay waxba ka arag shaqaalaha wasaarada warfaafintu balse ku dhaca jeebka masuuliyiinta uu gu horeeyo agaasimaha guud ee wasaaradaasi.

Shaqaalah Wasaarada warfaafinta jsl ayaa kamida ugu dulmiga iyo tacadiga badan ee haddana lagula kaco in aan la gaadhsiin lagana musuqmaasuqo kharakh dhididkooda ah.

Wasaaradda Warfaafinta iyo TV-yada Madaxa Bannaan ee Somaliland Laga  Leeyahaya oo Heshiis kala Saxeexday - Wargeyska Dawan

Intii ay Xukuumada Madaxweyne biixi jirtay ayaa sida ay ii xaqiijiyeen shaqaalaha wasaarada warfaafintu hal mar ay dhacday in la siiyo qofkiiba lacag dhan laba boqol oo kun oo shiling taas oo lagu sheegay xaqal ciid, kastaba ha ahaatee shaqaalaha wasaarada warfaafinta somaliland ayaa ka sugaya Xukuumada uu hogaaminayo Madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland si degdega il gaara loogu eego shaqaalahan uu daashaday dulmiga iyo tacadiga hadba masuulka loosoo magacaabaa uu kula kacayo.

 

W/Q:-Nouh idiris farah dalsoor

nouhdalsoor44@gmail.com

from Turkey Stanbul.