Berbera(GNN):-Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa dekedda Berbera ee Somaliland ayaa dib uga goostay dekedda, sida ay ogaatay Shabakada Gabiley News Network.
Saraakiil ka tirsan dekedda oo si hoose ula hadlay Gabiley News Network ayaa sheegay in Markabkaas uu dib uga goostay dekedda Berbera, ayada oo aan laga dejin shixnadii saarneyd oo ay lahaayeen ganasato reer Somaliland ah.
Sidoo kale waxay sheegen in uu jiro khilaaf kooban oo soo kala dhex-galay Ninkii wakiilka u ahaa, oo asagu degan dalka Imaaraadka Carabta iyo howl-wadeenadii Markabka.
Markabka ayaa siday shixnad lagu qiyaasay ku dhawaad 5 Milyan oo dollar, waxa uuna kusoo aadaya goosashadiisa xili ay maalmo kooban inaga xigaan Ciida Carafo oo alaabta badankeeda loogu talo-galay.