Faahfaahinta Xogaha Markab Nin Imaaraati Ah Oo Siday Xamuul Qiimihiisu Dhan Yahay ilaa 5 Milyan Oo Dollar Oo Kala Goostay Ganacsato Reer Somaliland Ah.

Berbera(GNN):-Markab u rarnaa Ganacsato reer Somaliland ah oo muddooyinkii dambe ku xidhnaa dekedda Berbera ee Somaliland ayaa dib uga goostay dekedda, sida ay ogaatay Shabakada Gabiley News Network.

Saraakiil ka tirsan dekedda oo si hoose ula hadlay Gabiley News Network   ayaa sheegay in Markabkaas uu dib uga goostay dekedda Berbera, ayada oo aan laga dejin shixnadii saarneyd oo ay lahaayeen ganasato reer Somaliland ah.

Sidoo kale waxay sheegen in uu jiro khilaaf kooban oo soo kala dhex-galay Ninkii wakiilka u ahaa, oo asagu degan dalka Imaaraadka Carabta iyo howl-wadeenadii Markabka.

Markabka ayaa siday shixnad lagu qiyaasay ku dhawaad 5 Milyan oo dollar, waxa uuna kusoo aadaya goosashadiisa xili ay maalmo kooban inaga xigaan Ciida Carafo oo alaabta badankeeda loogu talo-galay.

Ganacsatada uu u rarnaa Markabkaas ayaa illaa hadda ku mashquulsan helistiisa, mana jiro ilaa hadda war sugan oo laga helayo goobta uu u goostay Markabkaasi iyo inay jirto dekedd kale oo uu ku xidhay.
Dhinaca Kale Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay Madaxda kala duwan ee Dekedaha Somaliland oo wax war ah kasoo saaray sababta keentay in markab kusoo xidhay dekeda berbera uu haddana uga goosto isaga oo aan laga dajin xamuulkii uu siday.
Inta Kasta oo aanu iskudaynay in aanu la xidhiidhno Maareeyaha Guud ee Hay’ada Dekedaha Somaliland si aanu arrintan wax uga waydiino wali nooma suurto galin faahfaahinta arrintaasi.
Berbera Somaliland 
Gabiley News Network