“Geeskii Uu Qiiqayaa” Siyaasi Mujaahid Cali Guray Oo Falanqeyn dheer ka Qoray Dagaalka Itoobiya iyo Wararka u Danbeeyey.

GEESKI WUU QIIQAYAA
Somaliland sadex dal ayay xad la wadaagtaa oo sadexdaba dadka deggan xadka u dhexeeya ay yihiin soomaali keliya ee aanay ahayn cid kale. Laba waynu og nahay xaaladoodu way qasan tahay oo waa Somalia iyo Itoobiya. Ka sadexaadna waa dalka yar ee Jabuuti oo werwer badan laga qabi karo in dagaalka Tigray uu ku fidi karo gaar ahaan hadii qoomiyadda Canfarta ay gacansaar yeeshaan Tigrayga taas oo halis gelin karta waddooyinka iyo khadka tareenka ee Itoobiya ku xidha dekadda Jabuuti. Taasina markaa Dekadda Berbera waxay ku keeni karta culays aanay qaadi karin halka Jabuutina ay go’doon ka dhigi karto.
Markii ugu horaysay taariikhda muddo ka badan 120 sanadood ayaa shixnadii ugu horeysay Bunka Itoobiya laga dhoofiyay Dekedda Berbera sabab la’aanna maaha. Marka laga reebo Jabuuti dhulka kale ee soomaalida lagama yaabo in dagaalku uu soo gaadho haba jirto in uu saamayn ku yeelan karo hadii uu dheeraado eh. Colaadda Tigrayga iyo Axmaarada hadii sida muuqata heshiis lagu xalin kari waayo werwerka Jiraa wuxu yahay in midnimadii Itoobiya ay halis gasho taas oo markaa keeni karta in qoomiyad kasta ay la wareegi doonto gacan ku haynta degaankeeda amni ahaan iyo maamul ahaanba
Hadaba Somaliland oo nabadgelyo iyo xasilooniyi ay ka jirto maaha in ay iska Indhotirto dabka hareeraheeda ka baxaya waayo soomaalidu waa jidh keliya jidhna halkii uu nabar kaga dhacoba wuu dareemayaa xanuunka. Lama hubo sida ay xukuumadda Somaliland ula socoto xaaladda colaadaha isa soo taraya maalinba maalinta ka dambaysana ay ka sii darayso xaaladdu, iyo weliba ugu dambaysta saamaynta uu ku yeelan karo Somaliland iyo guud ahaan dhulka kale ee soomaalida.
Guud ahaan dhulka soomaalida lagama yaabo in dagaaladu ay ku fidaan marka laga reebo degaamada soomaalida ku dhaw dalka Jabuuti ee oodwadaaga ay yihiin qoomiyadda Canfarta oo hadda ay dagaaladu ka socdaan. Sidaa daraadeed mawqifka guud ahaan soomaalidu waxba iskama bedelayaan inta ay qoomiyadaha Tigray iyo Amxaaro ay dhan u kala dhacayaan waxanu ahaanayaa “Eeg Oo Sug”, Wait And See. Amxaaro iyo Tigray hadii ay heshiiyaan wanaagsan oo soomaalida Itoobiya waa qoomiyad ka mid ah qoomiyadaha Itoobiya hadii kalena kaba sii wanaagsan oo waa Raxmadi Furan dhulkoodiina way haystaan
Caligurey
Hargeysa
May be an image of map and text that says 'TREA Saho Red Sea y YE Afar (Qafár) DJIBOUTI Somali S IIOPIA romo Somali'