Maayirka Caasimada Hargeisa Oo Ku Dhawaaqay Maalin Olole Nadaafadeed ah Oo Laga Bilaabayo Magaalada.

Hargeisa(GNN):-Maayirka caasimada hargeisa mudane C,kariin Axmed Mooge oo ay Hareero fadhiyaan golaha deegaanka caasimadu ayaa maanta shaaciyey maalin olole nadaafadeed ah oo laga bilaabayo magaalada hargeisa kaas oo qayb ka qaadanaya sidii bilicda caasimada looga dhigi lahaa mid qurxoon.

waxaana maayirka caasimada hargeisa c,kariin axmed mooge bulshada ku nool caasimada hargeisa ugu bushaareeyey in maalinta khamiista marka laga baxo salaada subax laysugu yimaado dooxa weyn ee magaalada hargeisa halkaas oo laga bilaabayo ololaha nadaafadeed ee magaalada iyadoo dooxa laga dhigayo mid bilic qurux badan leh dadkuna u daawasho iyo dalxiis tagaan maalaha fasaxyada iyo galabtii marka ay qoysasku qaadanayaan wakhtiga laydhsiga.

Maayirka caasimadu waxaa uu shacabka ku nool caasimada hargeisa ugu baaqay in dhammaan qalabkii loogu talo galay in qayshinka lagu guro ee qalab iyo gaadiid ahaa ay halkaasi ku diyaarinayso dawlada hoose caasimada hargeisa.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warka Maayirka Caasimada Hargeisa.