“Maba Lulatee Maxay Leeftaa”….Qore : Abdi Abdilahi Ismail Kahin

MABA LULATEE MAXAY LEEFTAA?
“”Maareeye Mohamed Ali Darod hadii Madaxweyne Muse Bihi Abdi kula xisaabtami waayay ilaahay ayaa ku xisaabin “”
Maareeyaha Wakaalada Biyaha ee Hargeisa shaqadaadu waxa weeyi in shacabka caasimadu biyo helaan ku filan, waanad ku guuldaraysatay shaqadaasi, waxase yaab nagu noqotay in fikirkaagii noqday sideed lacag u samaysaa ,halkaanu is lahayn shacabkan ooman ayuu biyo ugu maqanyahay,waxaad fagaaraha keentay saacad hala soo iibsado qiimaheedu yahay 50$ oo ay wakaaladu keentay kana ganacsanayso oo aan lasoo marin gudida qandaraasyada qaranka.
Maareeye waliba aad shacabkaaga danyarta ah ku tidhaa qasab ku soo iibsada oo aad biyaha ka jarto.
Wakaaladii biyuhu waxay isku badashay wakaalad ganacsi waxayna ka faaiidaysteen mudadan kala guurka ah ee Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ee cusubi aanay xilka la wareegin.
Wakaaladii waxay isku badashay meel inamo yaryari ku ganacsadaan, madaxweynihii qaranka Somaliland ee la xisaabtami lahaa wakaaladana waa ka gaabsaday waxayna u muuqataa arin ganacsi oo la isla ogyahay sababtoo ah hadaan laysla ogayn madaxweynuhu shacabka isagaa ka masuule talaabo sharciya ayuu ka qaadi lahaa.
Ugu danbayn madaxweyne shacabkan masaakiinta ah ee ku doortay ee caasimadii oomantahay hadana intii yarayd ee biyaha gacmaha lagu dhaansado cabaysay maaha in saacad ganacsi loola imaado, habeen oo dhan ayay baaldiyo ku dhaansadaan oo ay soo jeedaan kolba siday baaldi u dhaaminayaan.
Shacabkaa gobta ahi ma mudna in saacad qiimaheeda layska goostay lagu yidhaa qasab ku bixiya, xaqiiqdii shacabkan waxa haysta sixir barar maciishadeed ee yaan ku biyoodna loogu darin.
Maareeyahana waxan leeyahay hadii madaxweynuhu kula xisaabtami waayay ilaahay ayaa ku xisaabin…..