Maxaa Laga Filan Karaa Gudida Loo Xilsaaray Baadhitaanka Kiiska Gabadha Baadi doonka Loogu Jiro ee Ikraan Tahliil.

Muqdisho(GNN):-Xeer Ilaaliyaha guud ee ciidamada qalabka sida ee dowladda Soomaaliya Gen. Cabdullaahi Buulle Kamay ayaa guddi u magacaabay kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo la la’ yahay tan iyo 26-kii June ee sanadkan.

Xeer ilaalintu waxay sheegtay in saddax sarkaal oo ka kala socdo xafiiska Xeer ilaalinta, Boliiska iyo Nabad-Sugidda loo xilsaaray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ahayd gabar da’yar oo u shaqeynaysay hay’adda NISA.

Xeer Ilaaliyaha ayaa faray taliska NISA in ay ula shaqeeyaan saraakiisha magacaaban wadda kasta oo lagu gaari karo danta cadaaladda.

Xafiiska xeer ilaalinta ciidamada qalabka sida waxa uu sheegay in ay aqbaleen furashada gal-dacwadeed ay u soo gudbisteen ehelka ay maqanad Ikraan Tahliil.

Ikraan Tahliil ayaa hay’adda NISA ku soo biirtay 2017, waxayna horay uga soo shaqeysay xafiiska duqa magaalada Muqdisho, markii uu xilka hayay guddoomiyihii qaraxa lagu dilay Cabdiraxmaan Yariisoow.

Sida la sheegay Ikraan markii cid ugu dambaysay waxay ahayd xilli habeen ah oo ay raacday gaari u diiwaan gashan hay’adda NISA.

Talaabadan loogu magacaabay gudida baadhaysa kiiska gabadhan ayaa la filan karaa in laba arrimood ay mid uun noqoto,

Guddi baaris oo loo magacaabay kiiska Ikraan Tahliil

Halkan Guji Hadhwadaagnews.com Oo kasii Akhriso Faahfaahinta Natiijada Laga filan karo Saraakiishan Loo Magacaabay Keenista xogaha kama dambaysta ah ee Nolol iyo geeri halka ay ku danbaysay Ikraan Tahliil faaran.