Midowga Yurub Oo Qiimeyn Layaaab Leh Oo Ay Sameeyeen Kadib Lacagtii Ka Gooyey Ciidamada Dawlada Kenya Ka Jooga Somalia.

Muqdisho(GNN):-Midowga Yurub (EU) iyo la-hawlgalayaashooda Caalamiga ah ayaa in ka badan kala bar dhimay dhaqaalihii ay ku bixin jireen ciidamada Kenya ee Soomaaliya u jooga la dagaalanak argagixisada Al-Shabaab.

Dhimista dhaqaalaha uu ku sameeyay Midowga Yurub ayaa waxaa loo sababeynaa khiyaano ay sameysay dowladda Kenya, oo qaar kamid ah ciidamadeeda si qarsoodi ah ugala baxday Soomaaliya, balse weli lacag uga qaadaneysa Midowga Yurub.

Waaxda maaliyadda ee dalka Kenya ayaa kal hore meel ku sheegi weysay in ka badan 23 milyan oo dollar oo uu dalkaas ka helay Midowga Yurub, si loogu maal-geliyo ciidamadiisa qeybta ka ah la dagaalka Al-Shabaab, sida ay daabacday warbaahinta Kenya.

Xukuumadda Kenya ayaa shalay baarlaamanka u sheegtay in howl-galka Midowga Afrika ay ka heshay 4.5 bilyan oo lacagta Shilingka Kenya ah, mudadii 12-ka billood, marka loo eego bartilmaameedkii hore ee ahaa SH8.5 bilyan.

Mudaneyaal ka tirsan baarlamaanka Keyna oo ayaguna dhankooda baaris ku sameeyay sababta ka dambeysa dhimista dhaqaalihii ay ciidamadooda ka heli jireen beesha caalamka, ayaa sheegay inay tahay ka bixitaanka ciidamadooda qeybo kamid ah Soomaaliya.

“Lacagta la helay waxay ku saleysneyd tirada ciidamada dhabta ah ee la keenay Soomaaliya. Bishii Luulyo, 2018, tirada ciidamada ayaa markii dambe la dhimay.”

Lacagtii uu Midowga Yurub siin jiray ciidamada Kenya ee la dagaalamaya Al-Shabaab ee gudaha Soomaaliya ayaa bishii hore laga jaray 66 boqolkiiba oo ah in ka badan 45 milyan oo dollar.

Arrintan ayaa si rasmi ah u dhaqan-gashay sanad maaliyadeedka cusub ee bilowgii bishaan July, maadaama ay soo dhowaatay taariikhda la qorsheynayo in ay ka baxaan Soomaaliya taas oo ay hogaaminayso Qaramada Midoobay, sida ay qoreyso qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Ciidamada Kenya ayaa bishii October ee sanadkii 2011-kii gudaha u galay Soomaaliya si ay halkaas ugula dagaallamaan xooggaga Al-Shabaab oo ay sheegeen inay khatar ku hayeen amniga gudaha Kenya. Fariisimaha milatariga Kenya ee Soomaaliya ayaa ku yaalla deegaannada hoos taga maamulka Jubbaland.

Soomaaliya waxaa ku sugan 22,000 oo askar ajaaniib ah oo ka kala socda dalalka Kenya, Burundi, Itoobiya, Ugandha iyo Jabuuti, kuwaasoo dagaal kula jiray ururka Al-Shabaab.