Taliyaha Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Miiska Saraakiisha Ciidamada ee Gobolka Sanaag.

Sanaag(GNN):-Taliyaha Ciidamadda Qaranka JSL Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa xadhiga ka jaray miiska saraakiisha ciidamada Qaranka ee gobolka Sanaag.

Dhismaha cusub ee Miiska Saraakiisha gobolka Sanaag oo ka kooban hal dabaq waxa ugu horayn ka hadlay Afhayeenka Ciidamadda Qaranka C/raxmaan C/laahai Xasan, waxaanu sheegay in dhismahani yahay mid casriya oo isugu jira qaybaha kala duwan ee xafiisyada shirarka, qolalka hurdada, fadhiyo iyo qaybo kale.

Taliyaha Qaybta Sadexaad ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeye guuto Muuse Jaamac Delef, ayaa sheegay in dhismahan cusub ee loo hirgeliyay saraakiisha gobolka Sanaag uu ka mid yahay dhismayaasha ugu bilicda dheer magaaladda Ceerigaabo isagoo hirgelinta dhismahaasina uga mahadceliyay taliyaha Ciidamada Qaranka.

Taliyaha Ciidamadda Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, oo ugu danbayntii halkaasi ka hadlay waxa uu sheegay in hirgelinta dhismahan uu uga mahad celinyaayo Madaxweynaha JSl, waxaanu sheegay in dhismahani uu muujinaayo sida dalka Somaliland horumarka.

Taliska Ciidamada Qaranka Jamhuuriyada Somaliland ayaa Mudooyinkii u danbeeyey ka waday guud ahaan gobolada dib u dhiska iyo dayactirka cudada ciidamada qaranka somaliland kuwaas oo nolol ahaan iyo inkaaniyaaadkoodaba kor loo qaadayo, waxaana miisaaniyada ugu badan ee qaranka somaliland ku baxaysa loo qorsheeyey difaaca qaranka iyo tayeynta ciidamada qaranka somaliland, taas oo aqoon ahaan iyo tayo ahaanba kor loo qaadayey sanadihii ugu danbeeyey.

Miiska Saraakiisha ee Maanta Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani uu Xadhiga ka jaray ayaa noqonaya talis ay hoos yimaadaan dhammaan ciidamada gobolada barriga somaliland iyadoo xukuumada somaliland qorshaynayso sidii xarunta gobolka sool ee magaalada laascaanood looga hirgalin lahaa qasri kan oo kale ah oo noqon doona xarunta taliska miiska saraakiisha ee ciidamada qaranka somaliland ku yeelanayo Magaalada laascaanood.

 

Ceerigaabo Somaliland

Gabiley News Network

Source-Hadhwadaagnews.com.