Dawlada hoose ee Hargeysa ayaa maanta bilowday dhismaha wadadii ugu horaysay ee intii ay xilka la wareegen golaha deeganka cusub.

Hargeisa(GNN):-Dawlada hoose ee Hargeysa ayaa maanta bilowday dhismaha wadadii ugu horaysay ee intii ay xilka la wareegen golaha deeganka cusub ee Maayir Mooge hor kacaayo.
Waddadan dhismaheeda la bilaabay ayay masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargeysa sheegen inay kaga duwan tahay waddooyiinkii hore loo dhisi jiray inay yeelanayso biyo shub, halkii dadku marayay, biyo mareeno islamarkaana qaab casri ah loo dhisi doono laamida gadiidku marayaan.
Waddadan dhismaheeda la bilaabay ayaa ahayd mid baahi xoog leh shacabku u qabaan oo isku xidha Saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa iyo gobolka,(Agagaarka Madaxtooyada).
May be an image of road
May be an image of road