Qaar Kamida Shirkadaha Basaska Rakaabka ee Ka Dhex Shaqeeya Gobolada Somaliland oo Qayb ka Noqday Soogalinta Mukhaadaraadka+Baadhitaanada Ciidamada Booliska.

Borama(GNN):-Shirkadda Socdaalka Ee Sacaada Transport iyo Shirkadda Yaasmiin Group oo ah shirkado ka shaqeeya dhanka isu socodka dadka iyo alaabaha ayaa gaadiidkooda  ay ciidamada boolisku ku qabteen maandooriyaha xashiishada oo ay sideen,waxaanay ciidamadu arrintaas u xidheen masuuliyiin iyo gaadiidkii siday mukhaadaraadka.

Maandooriyaha Xashiishada iyo khamriga oo mudooyinkii u danbeeyay faro baas ku haya dalka Somaliland islamarkaana ay ciidamadu si wayn ula dagaalamayeen ayay shirkadahani qayb ka noqdeen kuwa dalka soo galiya maandooriyaha,iyagoo ah shirkado ganacsi oo bulshada u haya adeega isu-socodka bulshada,waana arrin haddii lagu helo marka baadhitaanku dhamaado keeni karta in lisanka shaqada ay kala noqoto wasaaradda gaadiidka iyo jidadka Somaliland oo masuul ka ah shirkadaha socdaalka dalka.

Maandooriyahan lagu qabtay gaadiidka shirkadda Sacaada ayaa la sheegay in laga soo qaaday Magaalada Boorama lana keenay xafiisyada Hargaysa ee shirkadda Sacaada Iyo Yaasmiin, sida warar xogogaal ah oo aanu ka helnay magaalada Boorama ay noo sheegeen waxa dhacdadan u xidhan  gaadiid kala duwan iyo shakhsiyaad loo tuhmay inay ku lug leeyihiin.

Mukhaadaraadkan xashiishada oo xadigeedu aad u badan yahay ayaa lagu soo dhex farsameeyey jawaano dusho lagaga soo guray khudaar kala duwan oo isugu jirta baradho iyo basal, waxaana sida aanu xogaha warkan ku helay tibaaxeen in guud ahaan ay si caadiya usoo dhaafeen dhammaanba baraha koontarool ee u dhexeeya hargeisa iyo borama, maadaama shirkadahan socdaalka inta badan hore looga baran inay ku kacaan falalka noocan ah islamarkaana ay mukaadaraad dhibaato weyn ku haya dunida ay u badheedhaan inay soo galiyaan dalka.

Falkan ayaa dibeda usoo baxay kadib markii ciidamo dhar cad ah oo daba socoday xashiishadan islamarkaana xogaheeda hayey wakhtigii ay kasoo gudubtay dalka itoobiya iyo cida wadadataba ay si toosa markii ay gaadiidku keeneen xafiisyada labadan shirkadood ku leeyihiin caasimada hargeisa usoo abaareen islamarkaana xabsiga loo taxaabay laba gaadhi oo basas ah iyo dirawaladii watay, halka sidoo kale maalmihii ina soo dhaafay ay ciidamada boolisku xabsiga dhigeen masuulkii shirkada Sacaada u joogay xarunta gobolka awdal ee borama, iyo sidoo kale xubno kamid shirkada yaasmiin.

Inkasta oo aanu isku daynay inaanu faahfaahin dheeraad ah ka helno dhinaca laamaha amniga gaar ciidamada booliska oo gacanta ku haya baadhitaanka kiiskan ayaaney noo suurto galin.

Sidoo kale ma jiro wax war ah oo ay labadan shirkadood dhinacooda kasoo saareen dhacdadan oo ay isku difaacayaan ama ay iskagaga bari yeelayaan, walow aanu isku daynay inaanu khadka telefoonka kala xidhiidhno kama jawaabin halka qaarna ay xidheen telefoonada.

Dhawaan ay ahayd markii madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi  uu Amar ku bixiyey in ciqaab adag la mariyo cid kasta oo lagu helo inay ka ganacsaneysay ama ay lug ku lahayd soo galinta mukhaadaraadka dalka somaliland oo si xawliya bilihii ugu danbeeyey aad loosoo galinayey.

Waxaana Talaabadani Dhaawac weyn ku noqon doontaa Sumcadii haddii aaney Labadan shirkadood si cad bulshada ugu bayaamin ama isaga bariyeelin in ay ku lug leeyihiin iyo in cid rakaab ahi ay u qarisay islamarkaana aaney waxba kala socon.

La Soco Xogaha Wixii Kasoo Kordha Haddii Alle Yidhaa.

 

 

Exit mobile version