Sawirro: Maxaa lagu fasiray arrintii yaabka laheyd ee ay sameeyeen ergadii dooratay Senator-ada Sheeganayey Magaca Somaliland.

Muqdisho(GNN):-Saacadihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada qabsaday hadal heynta sawiro laga qaaday qaar kamid ah ergada Somaliland ee soo dooraneyso Xildhibaanada Aqalka sare ku metelaya Gobolada Waqooyi Baarlamaanka Soomaaliya.

Sawiro laga soo qaaday qaar ka tirsan ergada ayaa muujinaya shaqsiyaad kamida kuwa codeynaya oo soo xirtay dhowr Af-Saab (Face-Mask) kaasoo daboolay inta badan wajiga ilaa madaxa taasoo keentay in fasiraad kala duwan laga bixiyo sababta ku kaliftay.

Dadka qaar ayaa ku tilmaamay falka ay sameeyeen qaar ka tirsan ergada Somaliland inay tahay cabsi ku aadan in goobta ay joogaan ergo aanu kasoo jeedin Somalialnd, sidaasna loo qariyay wajiyadooda si aan loo aqoonsan.

Dad kale waxey ku micneeyeen in ay jirto cabsi ku aadan in ergada marka ay wax doortaan kadib ay doonayaan in ay dib ugu laabtaan deegaanada Jamuuriyada Somaliland ayna jirto cabsi ay ka qabaan xukuumadu xabsiga u taxaabto marka ay dalka kusoo noqdaan.

Waxaana Inta Badan bulshadu u ku macnaysay in sababta ugu weyn ee ay dadkan wax dooranyey u qariyeen wajiyadoodu tahay in cabsi ay ka qabaan xadhig  xabsiga loo taxaabo Haddii ay aqoonsato xukuumada somaliland oo si dhow ula socotay nimankan sharaxnaa ee sheeganayey magaca somaliland iyo kuwa ergada ah ee dooranayeyba.

Shacabka Ku hadla afka somaaaliga ayaa arrintan aad ula tacajabay faashilka nidaamka doorasho ee noocan ah islmarkaana dadkii wax dooranayey aaney jirin cid aqoonsan karta shaqsiyaadka ay yihiin.May be an image of 1 person and text

May be an image of one or more people, people standing and text that says '4:41 S'

May be an image of 1 person