Ururka Garyaqaanada Jsl Oo Maanta Dalka Kusoo Dhaweeyey Wafti Ka Socoda Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethiopia.

Hargeisa(GNN):-Hogaanka Sare ee Ururka Qareenada Dawlada Deegaanka Soomalida Ethiopia oo uu wehelinayo Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee gobolka Faafan ayaa maanta si balaadhan ay ugu soo dhaweeyeen, dhigooda Ururka Qareenada Somaliland iyo Qaar ka mida Madaxda Gobolka, magaalo ganacsiyeedka Togwajaale. Masuuliyiinta kale halkaasi kusoo dhaweeyey Waftiga Qareenada iyo Maxkamada Dawlada Deegaanka Soomalida Ethiopia waxaa ka mid ahaa Taliyaha Qaybta Gobolka Gabiley, Taliyaha Laanta Socdaalka ee Degmada Togwajaale, Maayarka Degmada Togwajaale, Salaadiin iyo Masuuliyiin kale oo tiro badan.
Gudoomiyaha Ururka Qareenada Somaliland Xasan Cawaale, Taliyaha Qaybta, Maayarka Degmada Wajaale iyo Suldaan Salmaam oo halkaasi ka jeediyey hadalo soo dhawayn ah.

Gudoomiyaha Maxkmada Sare ee Gobolka Faafan C/fataax Maxamed Axmed iyo Gudoomiyaha Ururka Qareenada Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia Maxamuud Maxamed Ciise ayaa iyaguna halkaasi uga mahadceliyey masuuliyiintii kala duduwanayd ee kusoo dhaweeyay xuduuda u dhaxaysa labada dal ee Ethiopia iyo Somaliland.
Safarkan shaqo ee ay ku yimaadeen Ururka Qareenada Dawlada Deegaanka Soomaalida Ethiopia ayaa daba socda kulan shaqo oo ay badhtamihii sanadkan ku booqdeen Ururka Qareenada Somaliland madaxda Dawlada Soomaalida Ethiopia ee Jigjiga.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Waftigan Ka Socoda Dawlad Deegaanka Somaalida Itoobiya.