Dawlada Ingiriiska Oo Balaayiin Dollar Maalgashi Kagaga Fulinaysa Saddex Dal oo Ay Somaliland Ugu Horeyso.

London(GNN):- Wasiirka arrimaha debadda ee Dawladda UK, Iza Truss  ayaa sheegtay in maalgashi ku samaynayaan saddex waddan oo ay ku jirto Jamhuuriyadda Somaliland

Iza Truss ayaa sheegtay in dawladdeedu ay maalgashi cusub ku samaynayso waddamada Senegal, Somaliland iyo Masar “Boqortooyada Midowday (UK) iyada oo adeegsanaysa CDS -ka ayaa diyaarinaysa maalgashiyo cusub oo lagu samaynayo dekeddaha ku yaal Senegal Masar iyo Somaliland oo dhexmara DP World” ayey ku tidhi qoraal ay ku baahisay barteeda Twitter-ka

Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee UK, Liz Truss, oo hadalkeeda si wadata ayaa  tidhi: “Waxaan la shaqeyneynaa xulafada iyo la -hawlgalayaasha si aan u maalgelinno kaabayaal nadiif ah oo la isku halleyn karo ee waddamada soo koraya. Iskaashigan cusub ee CDC iyo DP World wuxuu kor u qaadi doonaa shaqooyinka wuxuuna horseedi doonaa kobaca dhaqaalaha dalalkan, isagoo gacan ka geysan doona hagaajinta malaayiin qof oo ku nool guud ahaan Afrika”