Hogaanka Cusub ee Ururka Qareenada Jsl Oo Maanta Furay Tababar Kor Loogu Qaadayo Xirfada Qareenada Dalka

Hargeisa(GNN):-Kulanan ayaa ujeedadiisu ahay in ururka qareenada darsaan qiimayna ku sameeyaan Aqoonta iyo xirfada Qareena,si loo ogaado baahiyaha iyo gol daloolooyinka ay qabaan.iyodoo maxsuulka laga rabaa salka ku hayo sidii kor loogu qaadi lahaa. Anshaxa shaqada Qareenada,

Si ay bulshada ugu adeegaan aqoon hufan iyo xirfad tayadeedu sarayso

Waxaana Munaasibada Kulanka maanta la furay kasoo qayb galay madax kala duwan oo ka socoday Hay’adaha dawlada, Maxkamadaha Xafiiska xeer ilaalinta gobolka maroodijeex, Masuul ka socoday Hay’ada UNDP, iyo Komishanka xuquuqal Insaanka Jsl ayaa waxaa halkaasi lagu lafo guray sidii xirfada iyo aqoonta Qareenada Somaliland kor loogu sii qaadi lahaa.

 

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan.