Hargeisa(GNN):-Wasiir ku xigeenka wasaarada arrimaha gudaha jamhuuriyada somaliland ee xidhiidhka gobolada iyo degmooyinka, arrimaha dawlada hoose C,naasir Caydiid Maxamed oo maanta kulan isugu yeedhay khilaafka golaha deegaanka degmada gabiley ayaa kadib markii ay soo xaadiriwaayeen xubnihii warbaahinta ka hadlay sheegay in dhinacii maayirka iyo xildhibaano kamid ah golaha deegaanku yimaadeen balse aaney soo gaadhin kooxdii cabashada iyo eedaha warbaahinta marinayey.