Madarasadaha Al Najax Oo Xaflad Balaadhan U Qabatay Sanad Dugsiyeedka 202—2021 Ardayda dhamaystay Culuunta Diinta.

Hargeisa(GNN):-Munaasibad balaadhan oo lagu Maamuusayay Sanad Dugsiyeedkii 2020 -2021 ee Dugsiyada Hoose Dhexe ee Al-Najaax ayaa lagu qabtay magaalada Hargeysa.
Munaasibadan oo ahayd mid Siweyn loo soo Agaasimay ayaa waxa ka soo qayb galay Xildhibaano, Masuuliyiin ka socda wasaaradaha waxbarashada, Diinta & Awqaafta, waalidiin, Macaliin Ardayda wax kabarata Dugsiyada Al-najaax Iyo Marti sharaf kale.
Ugu horeyn ka hadlay Axmed Maxamed Cismaan oo ah Maamulaha guud ee Madarasadaha Al-najaax iyo Xubno kamida Maamulka Iyo macalimiinta wax ka dhiga Dugsiyada Hoose Dhexe ee Al-Najaax.
waxa kale oo iyana Xafladaasi ka hadlay Masuuliyiintii ka Socday wasaaradaha waxbarashada Iyo Diinta Iyo Awqaafta Iyo Xubno qaar kamida waalidiinta kuwaasi oo Tilmaamay in ay Madarasadaha Al-najaax ay mudo dheer soo jireen isla markaana ay ka soo baxeen dad badan oo magac iyo maamuusba kule Qarankan Somaliland iyo inay ay had iyo jeer Ardayda wax ka soo barataa kamid yihiin kuwa kaalmaha sarsare ka gala Imtixaanaadka Shahaadiga ah ee Jamhuuriyada Somaliland.
Ardayda kala Duwan ee wax ka barata dugsiyadan Al-najaax ayaa iyna soo bandhigay Qiimaha Aqoonta la baray iyaga oo sidoo kalena shahaado-sharafyo Gudoonsiiyay Maamulha iyo Macaliintooda.

Xildhibaan Sheekh Axmed Dayib Aadan ku Cadeeye oo soo afmeeray xafladaasi ayaa sheegay qiimaha aqoontu leedahay Aduun iyo aakhiraba sidoo kalena ardayda iyo waalidiintaba kula dardaarmay inay dedaalka halkaasi ka sii wadaan.
ugu dambayn Aradaydii kaalmaha koowaad, labaad, sadexaad Iyo akhlaaqiyaadka ayaa shahaadooyin iyo abaalmarino kala duwan lahaasi lagu gudoonsiiyay.