“Tolka aad leedahay waa Sharciga” – Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulankii u horeeyey la yeeshay Maayarrada 23 Degmo Doorasho

Hargeysa (GNN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi, ayaa maanta kulan gaar ah la qaatay dhammaanba maayarrada kala duwan ee dhawaan loo doortay 23-ka degmo-doorasho ee dalka.

Kulankan oo nuxurkiisu ahaa sidii loo xoojin lahaa loona dardargelin lahaa wada-shaqaynta dawladaha Hoose iyo dawladda dhexe, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey xubno kamid ah golaha wasiirrada, maayarrada kala duwan ee degmo-doorashooyinka dalka, islamarkaana ahaa kii ugu horreeyey ee ay madaxweynaha iyo maayarradu wada yeeshaan, ayaa si qoto dheer la isugu xogwaraystay, waxana diiradda lagu saaray sidii wada-jir loogu abuuri lahaa jawi wada-shaqayneed oo lagu dhaqaajiyo hawlaha qaranka iyo waajibaaddada saaran maayarrada dalka.

Ugu horrayn wasiir-ku-xigeenka wasaaradda arrimaha gudaha ee dawladaha Hoose, Mudane Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo hadalka furay, ayaa soo dhaweeyey xubnaha maayarrada ah ee degmooyinka dalka, waxana xusay inay meel wanaagsan marayso wada-shaqaynta dawladaha Hoose iyo dawladda dhexe ee dalku.

Xubno kamid ah maayarrada degmooyinka kala duwan ee dalka oo halkaas ka hadlay, ayaa si habsami leh uga warramay xaaladda degmooyinka ay madaxda ka yihiin iyo sida ay baahida ugu qabaan in lasii xoojiyo wada-shaqaynta ay la leeyihiin dawladda dhexe ee uu hoggaamiyo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, islamarkaana ay niyadsami ku qabaan in lasii xoojiyo isku duubnidaas iyo wada-shaqayntaas.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi oo xubnaha maayarrada ah u jeediyey khudbad dhinacyo badan taabnaysa, ayaa si waayeelnimo leh u hogo-tusaaleeyey sidii ay wada-jir ugu diyaargaroobi lahaayeen masuuliyadda saaran, natiijo fiicanna ay ka keenaan waxyaabaha ay bulshadu ka filayso ee dhinacyada horumarka adeegyada Aas-aasiga ah.