WARARKA




Madaxweynihii hore ee Iran oo geeriyooday.

Madaxweynihii ugu horreeyey Iran ee kadib kacaankii Islaamiga ee 1979-ka Abolhassan Banisadr ayaa Sabtida maanta ah ku geeriyooday isbital ku yaalla magaalada Paris, isaga oo 88 jir ah.

Abolhassan Banisadr, ayaa tobaneeyo sano ahaa dibad-joog kadib markii uu baarlamanka dalkaas eryey.ย 

โ€œKadib xanuun muddo fog, Abolhassan Banisadr waxa uu Sabtida ku geeriyooday isbitalka Pitiรฉ-Salpรชtriรจre Hospital ee koonfurta bari Paris,โ€ waxaa sidaas tiri IRNA, oo ah wakaaladda wararka rasmiga ah ee Iran, oo soo xiganeysa ilo-wareedyo ku dhow madaxweynihii hore.ย 

Qoyskiisa oo ku nool Faransiiska ayaa sidoo kale xaqiijiyey geeridiisa.ย 

โ€œWaxaan jecenlnahay inaan ku wargelino dadka sharafta leh ee Iran iyo kuwa u dhaqaaqa xoriyadda iyo madax-banaanida inโ€ฆAbolhassan Banisadr uu geeriyoodayโ€ฆkadib muddo uu la xarbinayey xanuun,โ€ ayey ku yiraahdeen war-saxaafadeed.

Qoyskiisa ayaa Banisadr ku amaanay inuu โ€œdifaacay xoriyadahaโ€.

Hase yeeshee Cadaaladda Iran ayaa Banisadr ku cambaareysay โ€œinuu sanadahan dhan ku hoos jiray sirdoonka Faransiiska iyo Reer Galbeedka, islamarkaana uusan ka baaqsan inuu aflagaadeeyo shacabka iyo nidaamka Jamhuuriyadda Islaamiga ah.โ€

Banisadr ayaa ku guuleystay doorashadii ugu horreysay ee xor ah ee Iran ka dhacday 1980-kii, sanad kadib kacdoonka Islaamiga ah ee Iran.ย 

Hase yeeshee waxaa 1981-kii eryey baarlamanka, kadib markii uu xumaaday xiriirka kala dhaxeeyey hoggaamiyihii sare ee hore ee Iran Ayatollah Ruhollah Khomeini. Wixii markaas ka dambeeyey wuxuu si dibad joog ugu noolaa France.