Xildhibaano Katirsan Golaha Deegaanka Gabiley Oo Ka Baaqday Kulan Ay Wasaarada Arimaha Guduhu Iskugu Yeedhay golaha+Sababta.

Gabiley(GNN):-Kadib markii uu soo ifbaxay khilaaf udhexeeya golaha deegaanka degmada gabiley islamarkaana ay warbaahinta eedo uga jeediyeen maayarka qaar kamid ah xildhibaanada golahu ayaa waxaa kulan maalintii shalay xafiiska gobolka kula yeshay badhasaabka gobolka gabiley kaasi oo isla maanta arintoodii usoo gudbiyay wasaarada arimaha gudaha.

iyadoo saaka lagu balansanaa kulan wasaaradaha gudaha ka dhici doona Xildhibaanada warbaahinta ka hadlay ee iyagu eedaha ujeediyay maayarka ayaan gabi ahaanba kasoo xaadirin kulan ay wasaarada iskugu yeedhay golaha deegaanka oo ay weheliyaan xoghayaha dawlada hoose iyo badhasaabka halka ay kasoo xaadireen kulankan maayarka magaalada gabiley, maayarka kuxigeenka xildhibaano kale oo katirsan golaha deegaanka gabiley.

Dhinaca kale xildhibaanada kulanka wasaarada arimaha gudaha ugu yeedhay ee aan kasoo xaadirin kulankan saaka ayaa ka kooban qayb kamida xubnaha golaha deegaanka gabiley, ismarkaana uu horkacayo xildhiban Axmed Wali oo kamid xubnihii kasoo baxay kulmiye ayaan si cad u sheegin sabobta ay kulanka u iman waayeen maadama ay iyagu ahaayeen xildhibaanadii eedaha musuq maasuq ujeediyay maayarka in ay wasaaradii ku shaqada lahayd ay hor iman waayeen ismarkaana ay kulan ugu soo bandhigi waayeen cadaymaha ay u hayaan.

Dhanka kale wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha oo ka hadlay khilaafka golaha deegaanka gabiley iyo kulankii ay iskugu yeedheen golaha wakiilada ayaa sheegay in aan loo baahnayd xildhibaano suuqa ka jeediya eedo ismarkaana aan haynin wax ay la hor yimaadaan umada.

Wasiir kuxigeenka arimaha gudaha ayaa fariin culus udiray xildhibaanada golaha degaanka gabiley isagoo sheegay in aanay jirin cid wax cabasha usoo gudbisay balse ay wasaaradu marki ay maqashay hadalka ay warbaahinta mariyeen amartay in ay kulan iskugu yimaadaan.

 

Xubnahan Xildhibaanada ah ee warbaahinta ka jeediyey eedaha kala duwan ayaa dhankooda warqad baraha bulshada lagu faafiyey oo ay ku saxeexan yihiin lagu sheegay inay  doonayaan in kalfadhi xil ka qaadis ah ay ku dalbanayaan gudoomiyuhu u qabto, taas oo ay ka horeysay kulanka ay isugu yeedhay wasaarada arrimaha guduhu oo ay gartooda ka hor akhristaan.

Ma cadda ilaa hadda sababta rasmiga ah ee xildhibaanadani saaka aaney uga xaadirin Kulankan wasaarada arrimaha guduhu isugu yeedhay.

 

Gabiley News  Network.