Xog-Ujeedada Safar Maalinta Barriya Farmaajo Safar Ugu Baxayo iyo Halka uu Kuu Aadan Yahay.

Hargeisa(GNN):Xogo Lagu kalsoon yahay ayaa shabakada Gabiley u xaqiijiyey

In Maalinta berri safar dalka dibadiisa ah u bixi doona Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa Isniinta berri ku wajahan magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, waxuuna safarka Addis Ababa noqonayaa kii ugu horeeyey ee Farmaajo uu dalka uga baxo, tan iyo 25-kii bishii April, xilligaas oo Muqdisho ay ka dhaceen qalalaase iyo isku dhacyo hubeysan oo looga hortegay mudo korodhsigiisii labada sano ahaa.

Sida aan xogta ku helnay Farmaajo waxaa lagu martiqaaday caleema saarka Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed oo bishii June Xisbigiisa talada dalkaas haya uu ku guuleystay doorashadii dalkaas ka dhacday.

Farmaajo iyo Abiye oo ah  raysalwasaaraha sannadkii ugu danbeeyey ay dalkiisa ka oogan yihiin xasaradaha dagaal ayaa ah saaxiib xulafaysi dhow ku sidii ay wax badan isaga kaashan lahaayeen taas oo sababtay in xataa ay heshiis iyo isgarabtaag la qaataan madaxweynaha dawlada ererteria oo kamida kalidii talisyada geeska africa.

waxaana la dareemayey in bilihii ugu danbeeyey labadan hogaamiye madaxweynihii wakhtigu ka dhammaday ee maxamed c,laahi farmaajo iyo raysalwasaaaraha ethiopia oo ah masuulkii ugu horeeyey wakhtiga intaa leeg gobolo kamid ah dalkiisa uu dagaal ka socodo ay faashil siyaasadeed soofood saareen.