Hargeysa (GNN)- Xisbiga mucaafadka ah ee Kulmiye, ayaa jariimad Qaran ku eedeeyey Xirsi Cali Xaasji Xasan iyo Maxamuud Xaashi Cabdi oo isaga kala dambeeyey xilka wasiirkii madaxtooyada ee xukuumaddii madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).
Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni oo ka hadlayey waraaqo lagala baxay keydka documentiyada madaxtooyada Somaliland, kuwaas oo lagu baahiyey baraha bulshada, ayaa labadaas masuul ku eedeyey inay iyagu kala baxeen keydka madaxtooyada, taas oo uu ku tilmaamay qiyaano lagula kacay Qaranka.
Afhayeen Buuni waxa uu sheegay in hay’adaha ammaanku baadhis ku wadaan arrintan isla markaana ay sharciga la horgeyn doono cid kasta oo ay ku caddaato inay ka dambeeyeen xatooyada documeniyadan.
Muuqaalka Hoose ka daawo hadalka afhayeen Buuni oo maanta ka hadlay arrintan.