Dawladda Somaliland Oo Ka Hadashay Taageeradii Norway Siin Jirtay Oo Dib Loo Cusboonaysiiyey

Oslo (GNN)- Kulan Saddex-geesood ah, ayaa Magaalada Oslo ee Caasimadda Dalka Norway ku dhex maray Wasaaradda Arrimaha dibedda ee dalka Norway, Qurbe-joogta Somaliland ee dalkaa ku nool iyo Safaaradda Somaliland ee dalkaasi ku taalla.

Kulankan oo uu soo qaban-qaabiyey Ururka Somaliland Diaspora isla-markaana muhiim u ahaa Qadiyadda Madax-banaanida Somaliland, ayaa waxa furitaankiisii hadal dheer ka soo jeediyey Wakiilka Somaliland ee dalka Norway Ambassador Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan), waxaanu ka warramay Marxaladihii kala gedisnaa ee ay soo martay Jamhuuriyadda Somaliland.

Ugu horrayn, Ambassador Liilan wuxuu u Mahad-celiyey ka qayb-galeyaasha kulanka, sida xubnaha Qurbe-joogta iyo Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Norway, isagoo si gaar ah u xusay u Qaybsanaha Arrimaha Somaliland iyo Soomaaliya ee Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Norway Heidi Elburgi Johansen.

Wakiilka Somaliland wuxuu mid mid isku dul-taagay Marxaladihii kala duwanaa ee Somaliland soo martaym, isagoo sheegay in Kiiska Madax-banaanida Somaliland, taasi oo 31-kii sanadood ee u dambeeyay ku naaloonaysay Madax-banaani, Dimuqraadiyad iyo Xorriyad.

Safiirku wuxuu sheegay in Muwaadiniinta Somaliland haystaan Xorriyad dhinaca Hadalka ah, Dimuqraadiyad, Amni buuxa iyo iyadoo la dhowro ama la ilaaliyo Xuquuqdooda dhinaca Bani-aadaminimo.

Ambassador Liilan, wuxuu sheegay “31-kii Sanadood ee u dambeeyay, Somaliland waxay u shaqaysay si xoog ah, si ay u abuurto Nabadgalyo iyo Bulsho Dimuqraadi ah, Millatari ay leedahay, Maxkamado iyo Maamul Dawladeed, waxayna abuurtay Hay’ado matalaya ama ah kuwii looga baahnaa Dawlad..” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu tafaasiil ka bixiyey in Dawladnimada Somaliland u qaabaysan tahay Saddex dhadhaar, kuwaasi oo kala ah ‘Fulinta, Sharci-dejinta iyo Garsoorka’

Sidoo kale, Safiir Liilan wuxuu ka warramay xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo Norway, waxaanu sheegay inuu xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo Dawladaha Somaliland iyo Norway, isagoo Dawladda Norway uga Mahad-celiyey Taageerada ay siiso Somaliland “Waa Calaamad wanaagsan in dhawaan uu Hargeysa booqday Ergay ka socday Norway, waanuna ku hambalyeynaynaa inay dib u cusboonaysiiyeen taageeradoodii..” ayuu yidhi Safiirka Somaliland ee Norway Maxamed Maxamuud Aadan (Liilan).

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd in laga wada-hadlo doorka Qurbe-joogta ee dedaallada Ictiraaf-raadinta iyo in lagu dhiirigeliyo inay dedaalkooda kordhiyaan.

Ugu dambayn, Ambassador Liilan wuxuu Qurbe-joogta Somaliland u soo jeediyey inay doorkooda sida ugu wanaagsan ugaga qayb-qaataan Ictiraaf-raadinta Jamhuuriyadda Somaliland.