Heshiis Noociisu Ku Cusub Yahay Somaliland oo Ay Maanta Kala Saxeexdeen Shirkadaha Waaweyn ee Indha Birta iyo Boodhari Mills.

Hargeisa(GNN):-Heshiiskan iskaashi ee dhexmaray shirkadaha kala ah National Indha birta iyo Boodhari Mills ayaa ah xooga ay ku saarayaan sidii ay isaga garabsiin lahaayeen ganacsiyo kala duwan oo kala ah suuq geynta daqiiqda ay soosaarto shirkada Boodhari mills iyo kor u qaadista iyo Laydhka Shirkada Indho birta, iyo sidoo kale adeegyo kala duwan oo la xidhiidh baahiyaha bulshada.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay maanta magaalada hargeisa ayaa waxaa kasoo qayb galay madax kala duwan oo ka socoday laamaha dawlada, madaxda dhaqanka, ganacsatada iyo martisharaf aad u tiro badan.

ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay masuuliyiinta shirkadahan kala duwan ee maanta kala saxeexday heshiiska caalamiga ah.

Halkan Hoose ka daawo Xaflad Balaadhan oo maanta dhacday iyo Nuxurka Khudbado Muhiima oo Laga jeediyey madashaasi.