Maxaa Kala Socotaa Dhibaatada Soo Waajahada Wakhtiga Dhaxanta Dadkeena La Ildaran Xanuunada Maskaxda ee Darbiyada Dugsada.?

Hargeisa(HNN):-Waxaynu ka wada war qabnaa in wakhtigan oo lagu gudo jiro qaboobaha xiliga dhaxanta ay xaalad adagi soo waajahdo dadkeena marka horeba la ildarnaa xanuunada maanka ee maskaxda.

Xanuunka dhimirka oo sanadihii ugu dabeeyey si xawliya ugu faafaya dadkeena islamarkaana asiibay dadka u badan qaangaadhka iyo waayeelka ayaaney jirin cid iska xilsaartay arrintaasi islamarkaana ka warqabta ka war haynta xaaladahooga nololeed iyadoo ururka khayriga ee Somaliland Mental helath support uu waday sanadihii ugu danbeeyey dadaalo bulshadaasi inaga midka ah ee xanuunadu soo waajaheen ay u heli lahaayeen xanaano iyo daryeel dawo iyo nolol ah haddana haddii aynaan dhammanteen u kicin duruuftan oo ilahay inagu eegayo isna kaashan suurto gal ma noqonayso in cid gaara iyo ashqaas koobani waxweyn u tari karto.

 

Hadaba Walaalaha Muslimiinta ee ururka Somaliland Mental helath support o  oo isagu si mutadawacnimo ah isugu hawlay dalka gudihiisa iyo dibediisaba caawinta iyo daryeel u raadinta dadkeena qaba xanuunada maskaxda waxweyna ka taray boqolaal qof oo hadda ka bogsaday xanuunkaasi ilahayna ku guuleeyey waxay umada muslimiinta ah ugu baaqayaan inay kasoo qayb qaataan sidii wakhtigan dhaxanta dadkeena xanuunsanaya loogu iibin lahaa dhar iyo bustayaal ay iskaga difaacaan dhaxanta daran ee dhacaysa wakhtigan.

waxaaney bulshada muslimiinta ah meelkasta oo ay joogaan ka codsanayaan inay wixii ay tari karaan ugu soo hagaajiyaan akoonada kala duwan ee ururka somaliland mental helath support.

Walaal Toban dollar oo ula baxdo sadaqo wuxuu waxweyn u tarayaa qof xanuunsan oo loogu gado buste wakhtiga dhaxanta,.

Ilahay waxaan uga baryeynaa in dadkeena qaba xanuunada kala duwan uu caafimaad sareecana ugu bedelo. Aaamin Yaa rabi.

Halkan ugu soo hagaaji Walaal Wixii Caawimo ah dadkeena dhibaataysan.

Fadlan Ka Booqo Shabakada Somaliland Mental Health Wixii Macluumaad ah ee aad uga Baahato. Guji Linkingan Hoose.

https://www.somalilandmentalhealth.com/

 

 

Exit mobile version