Somaliland: Guddida Xakamaynta COVID19 oo ka digay mowjad cusub oo ka dilaacay adduunka

Hargeisa(GNN):-Guddida heer qaran ee la-tacaalida xakamaynta cudurka Covid19 ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ku dhawaaqay in wadamo kamid caalamka, gaar ahaan qaarada Afrika lagu arkay nooc cusub oo kamida cudurka halista ah ee Covid19, kaasoo si dhakhso ah u faafaya.

Guddida ayaa bulshada Somaliland ku booriyey inay u hogaansamaan tilmaamaha caafimaad ee ka hortagga cudurkan iyo inay qaataan talaalka lagaga hortegayo dhibaatadiisa.

Sidaasina waxa sheegay Xogahayaha guddidaasi Xuseen Aadan Cige (Xuseen-dayr) oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa “Xannuunkani waa mid maalinba maalinta ka dambeysa wajiyo cusub adduunka ula soo baxaya, waana markii afaraad ee uu isbedelo” – ” iminka 24-kii bishan November, dalka Koonfur Afrika waxa laga helay nooc cusub oo xanuunka ah oo ka duwan kuwii hore oo xataa dadka labada jeer talaalan ku dhacaya ama labadii qof ee talaalnaa ay isu gudbinayaan, si deg deg ah ayuuna u fidayaa noocan cusubi oo ay Hay’adda caafimaadka adduunku ku magacowday Omicron”ayuu yidhi Xoghaye Xuseen Deyr.

Isagoo hadalka sii wata waxa uu farriin u diray bulshada, isagoo tilmaamay inay guddi ahaan dardar gelinayaan hawlaha xakamaynta cudurkaasi “markaa umadda Somaliland waxaan halkan uga gudbinayaa inay u hogaansamaan farriimaha caafimaadka ee ay Wasaaradda Caafimaadku u dirayso ee ah in la kala fogaado, in faraxalka la la joogteeyo iyo farriimaha kale ee sanadkii iyo badhkii u dambeeyey lagu soo celcelinayey.

annaga guddi ahaan waxaa naga go’an in aanu dardar gelino wacyigelintii cudurka oo aanu balaadhin doono. waxa kale oo aanu bulshada ku adkaynaynaa inay qaataan talaalka cudurka oo qof waliba uu qaato talaalka haddii aanu hore isu talaalin”

Xoghayaha ayaa sheegay in cudurkan ka badbaadistiisu ku xidhantahay u hogaansanaanta tilmaamaha caafimaadka ee ay dawladdu dejisay.
waxaanu yidhi”Xannuunkani waa mid dhibaato badan ku haya nololsha adduunka oo dhan, illaahaybaa badbaado hayee, umaddiba umadda ay uga dhego nugushahay qaadasha tilmaamaha caafimaadka ee ay xukuumadduhu kaga wacyigelinayaan bulshada isu gudubkiisa, ayey ka badbaado badan tahay”