Ururka Qareenada Somaliland ee Solla Oo Maanta Soo Afmeeray Tababaro Kor Loogu Qaadayo Xirfada Sharciyaqaanada Bulshada u Dooda.

Hargeisa(GNN):-Ururka Qareenada somaliland ee solla loosoo gaabiyo magacooda ayaa maanta soo afmeeray tababar maalimihii ugu danbeeyey uga socoday caasimada hargeisa qareenada ka hawlgala gobolka maroodijeex iyo nawaaxigiisa, waxaana tababarkani ahaa kor u qaadista iyo kobcinta sharciyaqaanada bulshada ka caawiya arrimaha sharciga islamarkaana u dooda dadka aan is difaaci karin ama aan aqoon iyo fahan ka haysan sharciga.

Waxaana Tababaradani ka danbeeyey kadib markii hogaanka sare ururka qareenada somaliland uu cilmi baadhis iyo daraasad dhawaan ku sameeyey sharciyaqaanada ka hawlgala maxkamadaha dalka guud ahaan ee ku shaqeeya xirfada qareenimo.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan Lagu Soo Gabogabeeyey Shirkan.

 

error: Content is protected !!