Wasaarada Caafimaadka Somaliland Oo Maanta Qalab Caafimaad Kala Wareegtay Safaarada Dalka Taiwan Ku Leedahay Jsl.

Hargeisa(GNN):-Wasiirku xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Mud: Liiban Yuusuf Cismaan aya agab caafimaad oo Muhiim ah kala wareegay Wakiilka dalka Taiwan u fadhiya Somaliland H.E Allen Lu, xafladda Wareejinta agabka ayaa ka dhacday Xafiiska Dalka Taiwan ku leeyahay Somaliland. Waxaana Xaffladda si maqal iyo muqaal ah uga qayb galay Madaxbaddan oo matalayay dalka Taiwan kana mid ahayeen.

1, KMU ( Kaohsiung Medical University)
2, KMUH( Kaohsiung Medical University Chung-Ho Hospital)
3, ICS Taiwan Section
4, Ingo Nano Technology
5, Southern Office of MOFA.
Wasiir ku xigeenga Horumarinta Caafimaadka JSL. ayaa uga mahad Celiayay deqda agabka Caafimaadka dalka aynu Saaxiibka nahay ee Taiwan mana ah tii Ugu Horaysay, Mudadii ay labada dal Xidhiidhka labada dhinac ahi ka dhaxeeyay waxa jiray iskaashi xoogan oo Dhanka Horumarinta Caafimaadka ah.
Exit mobile version