Deg-Deg-Dagaal Xoogan Oo Caawa Ka Qarxay Beledweyne & Xasilooni Darro Laga Dareemayo Magaalada.

Muqdisho(GNN):-Wararka naga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhoweyd uu dagaal xoogan ka qarxay, ayada oo dhawaan la ogolaaday in magaalada uu tago madaxweynaha HirShabelle.

Magaalada gudaheed ayaa laga maqlaya rasaas xoogan iyo hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana lagu soo waramaya in dagaalka uu u dhaxeeyo mid kamid ah Saraakiishii hogaamineysay ciidamadii Badbaadada Hiiraan iyo ciidamo taabacsan maamulka.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in uu jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay dagaalkaas, oo qaarkood uu gaaray dad shacab ah oo aan ka fogeyn goobta uu dagaalku ka socdo, gaar ahaan xaafada Kooshin ee magaalada Beledweyne.

Sarkaalka hogaaminaya ciidamada Badbaadada Hiiraan oo lagu magacaabo Nuur Dheere ayaa horay ugu mid ahaa saraakiil ka hor istaagay Cali Guudlaawe safar uu qorsheynayay in uu ku tago magaalada Beledweyne.

DEG DEG: Dagaal caawa ka qarxay Beledweyne

Dagaalkan ayaa kusoo aadaya xilli ay dhawaan Waxgaradka, duubabka iyo odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan oo ku shiray magaalada Muqdisho ay sheegen in Madaxweynaha HirShabeelle Cali Guudlaawe uu tegi doono gobolka Hiiraan oo sida ay sheegeen aan cidina ka hor istaagi doonin.

Sidoo kale waxgaradka ayaa waxay Madaxweyne ku-xigeenka maamulka HirShabeelle Yuusuf Dabageed ka dalbadeen inuu raali gelin ka bixiyo hadalkiisii ahaa in doorashada xildhibaanada ee ka dhaceysa Beledweyne ay ku soo bixi doonaan xubnaha ay rabaan.

Qorshaha tagista Guudlaawe ee Beledweyne ayaa markale wajahaya caqabad weyn, ayada oo Odayaasha dhaqanka beelaha dega gobolka Hiiraan ay sheegen in uu tagi karo, xilli aan weli si rasmi ah loo dhameyn xiisada taagan.