Khabiirka Michael Rubin Oo Dhaliil Xoogan u Jeediyey Shirkada Diyaaradaha ee Flydubai.

Hargeisa(GNN):-Michael Rubin oo ah khabiir ku takhasusay arrimaha siyaasada islamarkaana hore uga soo shaqeeyey aqalka cad ee maraynkanka looga arrrimiyo, sidoo kale faallooyin iyo aragtiyo kala duwan ka qoray Geeska africa gaar ahaan somaliland oo uu qadiyadeeda marar badan u badhigay bulshada caalamka iyo warbaahinta ugu afka dheer dalka maraykanka ayaa caawa qoraal uu kusoo baahiyey bartiisa twitterka waxaa uu si kulul u dhaleeceeyey adeegayada shirkada diyaaradaha flydubai, waxaanu qoraalkiisa ku sheegay khabiir Michael Rubin in shirkada diyaaradaha ee flydubai aanu arag shirkad ka sumcad xun sida shirkada fly dubai oo kale,wuxu yidhi iyaga oo joojiyey duulimaadyo ay ugu kicitimijireen meel kala duwan ayaa ay haddana tigidhada lagu raaco diyaarada ku iibinayaan xafiisyadooda iyagoo og in aaney u dhoofaynin meelaha ay dadka u jarayaan tigidhkooda.

waxaanu ku sheegay in ay tahay khiyaano cad oo ay shirkada flydubai ku sameynayso bulshada, iyagoo foojaro aan macno lahayn u jaraya bulshada oo khiyaano ah.

https://twitter.com/mrubin1971/status/1468270939955765252?s=20

Dhaleecaynta uu u jeediyey  khabiirkani shirkada flydubai ayaa kusoo beegmaysa xili ay dhawaan somaliland sheegtay in joojisay duulimaadyadii ay bulshadu u raaci jireen wadamo kala duwan, iyadoo aaney jirin sabab rasmiya oo loo sheegay dadkii wakhtiga ay go’aankaa soo saartay shirkadu ka goostay tigidhada diyaarada ee diyaarka u ahaa duulimaadyadooda.
Gabiley News Network
Hargeisa Somaliland