Khuburo Baadhaysa Tayada Aqoonta Jaamacadaha Somaliland Bixiyaan+Ujeedada Ka Danbaysa.

Hargeisa(GNN):-Gudiga Tacliinta Sare ee Qaranka Somaliland ayaa maalmihii u dambeeyay u kuurgal iyo dabagal ku samaynaayay Tayada Aqoonta Jaamacadaha dalku Bixiyaan Gaar ahaan kuwa Caasimada Hargeysa.
Komishineer Yuusuf Maxamed Cabdi horena u soo noqday wasiirka Maaliyada JSL ayaa ka warbixiyay ujeedada ugu weyn ee laga leeyahay Ololahan Gudiga Tacliinta Sare Qaaday mudooyinkan dambe.
Geesta kale Osaama bilaal Filibis iyo Umulkhayr Cabdilaahi Cawad oo ah Masuuliyiinta Jaamacadda Islamic Online Universatay ayaa iyana ka dareen celiyay kormeerkan ay ugu yimaadeen Komishinka Tacliinta sare.