Madaxweyne Muuse Oo Jawaab Kulul u Diray Xisbiyada Mucaaridka Jsl Sheegayna Inaaney Jirin Cid Sharciga iyo Dastuurka Dalka Ka Sareysaa.

Berbera(GNN):-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland mudane muuse biixi cabdi oo maanta furay tartan loo qabanayo ciyaaraha kubada cagta ee gobolka saaxil ayaa halkaasi ka jeediyey khudbad isugu jirta arrimo door ah.

Waxaana Madaxweynaha Jsl uu Fariin kulul u diray xisbiyada mucaaridka somaliland isagoo sheegay in la raacayo xeerarka iyo qawaaniinta dalka, doorasho kasta iyo xaalad kasta oo uu galayo dalku, sidoo kale waxaa uu madaxweyne biixi tibaaxay in ay furan yihiin ururada siyaasadu xisbiyaduna aaney ka talaabsan karin sharciga iyo xeerarka qaranka oo ugu sareeyo dastuurku haddii uu jidaynayo doorasho iyo haddii ururo la furayaba.

Halkan Hoose ka Daawo Muuqaalka Madaxweynaha Somaliland Khudbadiisa.