Beesha Caalamka oo bayaan ka soo saartay Doorashooyinka Somaliland.

Hargeysa (GNN)- Beesha Caalamka ee taageerta doorashooyinka Somaliland, ayaa war-murtiyeed ay maanta soo saareen kaga hadlay nidaamka dimuqraadiyeed ee dalka iyo diyaar-garwoga doorashooyinka la filayo inaydalka ka dhacaan sannadkan 2022-ka.

War-murtiyeed oo ay si wada-jir ah u soo saareen Midowga Yurub, Ingiriiska, Denmark, Finland, Germany, Norway iyo Sweden, ayaa daba-socda socdaal ay 24-kii bishan dalka ku yimaaddeen wakiillo ka socda beesha caalamka, kuwaas oo muddo saddex maalmood ah oo ay ku sugnaayeen magaalada Hargeysa kulamo kala duwan oo khuseeya arrimaha doorashooyinka kula yeeshay Axsaabta siyaasadda, Guddiga Doorashooyinka, Goleyaasha Baarlamaanka, Waaxda Garsoorka iyo Ururrada Bulshada Rayidka ah.